Saturday, July 27, 2024
spot_imgspot_img

Madaxweynihii Hore ee Hirshabelle oo kahadlay Heshiiska soomaaliya iyo Turkiga.

Jimca 23-Feb-2024 {HMC} Madaxweynihii hore ee HirShabeelle Cali Cabdullaahi Cosoble ayaa markii ugu horreysay ka hadlay doodda ka dhalatay heshiiska difaac ee Soomaaliya iyo Turkiga.

Heshiiskan oo Arbacadii uu ansixiyay Golaha Wasiirrada Xukuumadda Soomaaliya, ayada oo isla maalintaasi uu Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya uu deg-deg ugu meel-mariyay kulan uu ka qeyb-galay madaxweyne Xasan Sheekh.

Heshiiskan ayaa waxaa dood ka keenay Xildhibaannada qaar, oo ayagu Arbacadii si aqbaliyad ah u meel-mariyay heshiiska, kuwaasi oo dowladda madaxweyne Xasan Sheekh ku dhaliilay in aysan la wadaagin nuqulka heshiiskaasi.

Xildhibaannadaasi ayaa waxaa kamid ah Cabdiraxmaan Cabdishakuur oo isagu sheegay in madaxweyne Xasan ay ku aamineen wixii uu baarlamaanka hortiisa uga sheegay heshiiska, balse uusan nuqulka heshiiska mudaneyaasha la tusin, ayna qaadatay qiirada difaaca baddeena, sidaasna ay ku ansixiyeen heshiiska difaaca ee Turkiga kula wareegayo ammaanka badda Soomaaliya.

Cosoble oo u jawaabaya Xildhibaannada doodda ka keenay heshiiska, xilli uu si rasmi ah meel-mar u noqday ayaa waxa uu sheegay in mudaneyaasha BF aysan qasab aheyn in lala wadaago sirta qaranka, si aysan dibadda ugu bixin, sida uu hadalka u dhigay.

Xildhibaannada ayuu ku weeraray in aysan faham durugsan u laheyn laba qodob oo uu ku sheegay mucaaradnimada iyo sirta qaranka ilaalinteena.

“Waxaa loo baahan yahay xildhibaanka inuu kala fahmo mucaaradnimada iyo sirta qaranka, ayadoo qoraal ah ha naloo qeybiyo, mar hadii laguu sheegay in heshiis amni la galay waxaad u sii daba socoto waa inaad sirta qaranka la wadaagto cadawga,” ayuu yiri Cosoble.

Waxa uu intaas sii racayay madaxweynihii hore ee HirShabeelle, “Waxaad nasiib leedahay hadaan baaritaan lagugu sameyn.

”Si kastaba, heshiiska difaaca ee dhawaan wada gaareen Soomaaliya iyo Turkiga ayaa si rasmi ah u noqday dhaqan-gal, kadib markii uu xalay saxiixay madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud, kadib markii ay soo asnixiyeen Golaha Wasiirrada iyo labada Aqal ee BF.

{DHAGEYSO} Warka Habeenimo ee Warbaahinta Hiiraanweyn {26.07.2024}

Jimco 26 July 2024 {HMC} Dhageystayaal halkan waxa aan idiin kugu soo gudbi neynaa Warka habeenimo ee Warbaahinta Hiiraanweyn Warka waxaa soo jeedinayo ::Abdirahman Maclin...

{DAAWO MUUQAALKA} Madaxweyne Dabageed oo Hal Arin ka Dalbaday dadka ku Nool Degmada Moqokori.

Jimco  26 July 2024 {HMC}  Madaxweyne Dabageed oo Hal Arin ka Dalbaday dadka ku Nool Degmada Moqokori. HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA…

WARARKA