Saturday, July 27, 2024
spot_imgspot_img

Caruurta la dayacay sanadkii 2023 oo Dowladda Soomaaliya Muqdisho ku so Bandhigtay

Sabti, Feb, 24, 2024 {HMC} Yusra Cismaan Shariif  Xeer ilaaliye ku xigeenka guud ee qaranka Soomaaliya oo warbaahinta kula hadashay magaalada Muqdisho ayaa sheegtay iney soo kordhayaan dambiyada iyo xadgudubka ka dhanka ah caruurta ee ka dhaca guud ahaan dalka.

Mrs Yusra Cismaan ayaa sheegtay iney si gaar ah ula socdaan dhibaatooyinka loo geysto ama lagula kaco caruurta, islamarlaana Xafiiska uu arrimahaasi wax badan ka qabtay.

 

Xeer ilaaliye ku xigeenka qaranka Yusra Cismaan sidoo kale xustay iney diiwaan galiyeen sanadkii lasoo dhaafay ee 2023-ka kiisas gaaraya 53 carruur ah oo looga dhuuntay qaar kamid ah isbitaalada iyo wadooyinka Muqdisho.

 

waxa ay intaasi raacisay Yusra Cismaan Shariif “Sanadka 2023-kii waxaa jirtay in lasoo helay carruur 53 ah oo qaarkood isbitaallada looga tegay, qaarkood dad in loo dhiibay looga dhuuntay kuwa kalena waddooyinka laga soo helay. Caruurtaas 25 ka mid ah gabdho ayay ahaayeen, inta kalena wiilal ayay ahaayeen. Masuuliyadooda waxaa loo xil saaray dad uu xafiiska si sharci ah ugu wareejiyay, waxaana gacan ka gaystay hay’adaha Booliska”

 

Hadalkaan kasoo yeeray Xeer ilaaliye ku xigeenka guud ee qaranka Soomaaliya ayaa kusoo beegmaya, iyadoo maalmahii lasoo dhaafay Muqdisho iyo meelo kale oo dalka ka mid ah kusoo badanayeen dhacdooyinka naxdinta leh ee ka dhex dhacayay qaar ka mid ah qoysaska Soomaaliyeed.

{DAAWO MUUQAALKA} Maareeyaha Guud ee hay’adda korontada qaranka oo daah furay maanta shirka golaha korontada,

Sabti 27 July 2024 {HMC} Maareeyaha Guud ee hay'adda korontada qaranka oo daah furay maanta shirka golaha korontada, HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA

{DAAWO MUUQAALKA} Xildhibaan Yuusuf Geelle Madaxweynaha waa in uu Dhageystaa Baarlamaanka Albaabadana uu Furaa”

Sabti 27 July 2024 {HMC} Xildhibaan Yuusuf Geelle Madaxweynaha waa in uu Dhageystaa Baarlamaanka Albaabadana uu Furaa" HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA

WARARKA