Saturday, July 27, 2024
spot_imgspot_img

{DAAWO SAWIRADA} Banaanbax weyn oo ka dhacaya Magaalada Muqdisho.

Sabti, Feb, 24, 2024 {HMC} Waxaa maanta magaalada Muqdisho gaar ahaan Garoonka Kubadda Cagta Eng. Yariisow Stadium {Ex – Koonis} ka dhacaya banaanbxa weyn oo lagu taageerayo heshiiska iskaashiga difaaca iyo dhaqaalaha ee Soomaaliya ay la gashay dowladda Turkiga.

Qaban-qaabadii ugu danbeeysay ee ku bilaabanayo banaanbaxa ayaa ka socota Garoonka Eng. Yariisow ee ku yaalla degmada Cabdicasiis, waxaana halkaasi kusii qul-qulaya dadweyne farabadan oo ka qeyb galaya banaanbaxaasi Maanta dhacaya.

Dowladda Federaalka ayaa soo abaabushay banaanbaxan lagu taageerayo heshiiska difaaca badda oo ay dowladda la gashay Turkiga, mas’uuliyiin kala duwan dowladda ayaa tagaya Garoonka, kuwaasi oo khudbado ka jeedinaya dibadbaxa ballaaran.

Dhinaca kale ciidanka ammaanka ayaa saaka oo sabti ah xiray qaar kamid ah waddooyinka ku yaalla magaalada Muqdisho, iyadoona aad loo adkeeyay amniga waddooyinka gala iyo kuwa kabaxa Garoonka Kubadda Cagta Eng. Yariisow Stadium {Ex – Koonis}.

8-dii bishaan ayey wasiirrada gaashaandhigga ee Soomaaliya iyo Turkiga heshiiskaan ku kala saxiixdeen magaalada Ankara ee dalka Turkiga, waxaana labo maalmood ka hor faafinta rasmiga ah ee dowladda Soomaaliya ku soo baxay heshiiskaas, kadib markii golayaasha dastuuriga ah ee ay ansixiyeen, Madaxweyne Xasan Sheekh-na uu saxiixay.

Turkigu waa saaxiibka dhow ee Soomaaliya, wuxuuna Itoobiya ugu hanjabay in dhulka Soomaaliya aysan imaa karin oo awood ciidan looga difaaci doono, kadib markii madaxweynaha Turkiga uu toos ula xiriiray ra’iisul wasaaraha Itoobiya Abiy Axmed.

{DHAGEYSO} Warka Habeenimo ee Warbaahinta Hiiraanweyn {26.07.2024}

Jimco 26 July 2024 {HMC} Dhageystayaal halkan waxa aan idiin kugu soo gudbi neynaa Warka habeenimo ee Warbaahinta Hiiraanweyn Warka waxaa soo jeedinayo ::Abdirahman Maclin...

{DAAWO MUUQAALKA} Madaxweyne Dabageed oo Hal Arin ka Dalbaday dadka ku Nool Degmada Moqokori.

Jimco  26 July 2024 {HMC}  Madaxweyne Dabageed oo Hal Arin ka Dalbaday dadka ku Nool Degmada Moqokori. HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA…

WARARKA