Saturday, July 27, 2024
spot_imgspot_img

[DAAWO SAWIRADA} Masuuliyiintii ugu Sareysay maamulkii lamagac baxay Hiiran State oo kadagay Magaalada Jowhar.

{Sabti, Feb, 24, 2024 {HMC} Garoonka Diyaaradaha Ugaas Khaliif ee Magaalada Baladweyne waxaa manta ka ambabaxay Axmed Cabdalla Osmaan Enji oo Ahaa Madaxweyne ku xigeenka Maamulkii la magac-baxay Hiiraan State, Gudoomiyayahii Gobolka Hiiraan u qaabilsanaa Maamulkaasi Cabdicasiis Axmed Cadoow {Jaaburi} iyo Gudoomiyahii Shabeelada Sare Cabdiladhiif Faarax Aadan kuwaas oo ku wajahan Magaalada Jowhar ee Caasimada Maamulka Hirshabeelle.

Masuuliyiintan ayaa lagu soo Waramayaa in ay la heshiiyeen Madaxweynaha Maamulka Hirshabeelle Cali Guudlaawe Xuseen kaasi oo si weyn ugu soo horjeedeyn Mudooyinkii dambo, hase yeeshii ugu dambeeyn, wada hadal Mudo dheer u socday ayaa lagu soo waramayaa in heshiis hoose ay wada galeeyn oo Jowhar lagu Casuumay.

Xogta aan Hilnay waxaa ay sheegeysaa in kulamada Jowhar ka dhacayo markii ay dhamaadan kadib qaar kamid ah Masuuliyiintan dhawaan loo magacaabi doono xilal kala duwan, waxaana ay balan qaadkan ka haystaan Madaxweynaha Maamulka Hirshabeelle Cali Guudlaawe Xuseen.

Is qab-qabsiga Maamul ee ka jiro Gobolka Hiiraan ayaa si weyn hoos ugu dhigay Adeegyadii Bulshada iyo guud ahaan hormarka Gobolka, Waxaana jirin Cid isku xil saarta in ay Bulshada ka gudbiso marinka Siyaasiinta xilalka laga qaado oo Cabaqad weyn ku noqonayo howlahii Gobolka Ka Socday.

Sanad walba waxaa Gobolka Hiiraan ka Curto Mowjado Siyaasadeed iyo Kacdoon Bulsho kaasi oo Siyaasiinta ay dhiiga Shacabka ku badasho Xilal, oo markii ay helaan gadaal ugu soo noqon markii xilka ay qabtaan.

{DAAWO MUUQAALKA} Hogaanka sare ee xisbiga kulmiye ayaa munaasibad Soo dhawayn ah u sameeyay Qurba jooga Somaliland

Sabti 27 July 2024 {HMC} Hogaanka sare ee xisbiga kulmiye ayaa munaasibad Soo dhawayn ah u sameeyay Qurba jooga Somaliland HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA

{DAAWO MUUQAALKA}WAR DEG-DEG AH: Waxaa la shaaciyay Xildhibanada golaha Deegaanka ee sadexda degmo ee gobolka Nugaal.

Sabti 27 July 2024 {HMC} WAR DEG-DEG AH: Waxaa la shaaciyay Xildhibanada golaha Deegaanka ee sadexda degmo ee gobolka Nugaal. HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA

WARARKA