Saturday, July 27, 2024
spot_imgspot_img

{DAAWO SAWIRADA} Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda JFS oo guddoomiyey shir muhiim ah..

Sabti, Feb, 24, 2024 {HMC} Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamsa Cabdi Barre, ayaa guddoomiyey shir muhiim ah oo looga hadlayey qorshaha Qaran ee hortagga dhibaatooyinka ay dalkeenna ku sababeen Isbeddelka Cimillada Adduunka.

Shirka ayaa lagu soo bandhigay warbixinno la xiriira saameynta kala duwan ee isbeddelka cimilladu ay ku yeelatay dalkeenna iyo heerka uu marayo qorshaha dalka ee la qabsiga isbeddelka cimillada.

Waxaa si gaar ah looga hadlay qorshaha qaran ee dhimista dikhowga hawada, taasi oo hoos loogu dhigayo walxaha hawada wasakheeya iyo sidii kor loogu qaadi lahaa adkeysiga khataraha ka dhasha isbeddelka cimillada.

Ra’iisul Wasaare Xamsa Cabdi Barre ayaa sheegay in isbeddelka cimilladu uu saameyn toos ah ku yeeshay Soomaaliya, gaar ahaan dhinaca deegaanka oo isbeddello ballaaran laga dareemayey, waxaana uu faray hey’adaha dowladda inay qorshooyin cadcad ka soo gudbiyaan meelaha ugu daran ee u baahan maalgelinta isbeddelka cimillada.

{DHAGEYSO} Warka Habeenimo ee Warbaahinta Hiiraanweyn {26.07.2024}

Jimco 26 July 2024 {HMC} Dhageystayaal halkan waxa aan idiin kugu soo gudbi neynaa Warka habeenimo ee Warbaahinta Hiiraanweyn Warka waxaa soo jeedinayo ::Abdirahman Maclin...

{DAAWO MUUQAALKA} Madaxweyne Dabageed oo Hal Arin ka Dalbaday dadka ku Nool Degmada Moqokori.

Jimco  26 July 2024 {HMC}  Madaxweyne Dabageed oo Hal Arin ka Dalbaday dadka ku Nool Degmada Moqokori. HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA…

WARARKA