Saturday, July 27, 2024
spot_imgspot_img

DF oo iclaamisay banaanbax manta ka dhacaya Muqdisho oo ku saabsan arrin xasaasi ah

Sabti, Feb, 24, 2024 {HMC} Wargelin ka soo baxday dowladda Soomaaliya ayaa lagu iclaamiyey banaanbax weyn oo maanta ka dhici doona magaalada Muqdisho, kaas oo lagu taageerayo heshiiska iskaashiga difaaca iyo dhaqaalaha ee Soomaaliya ay la gashay dowladda Turkiga.

Golayaasha fulinta iyo sharci-dejinta ee dowladda Soomaaliya ayaa labo maalmood ka hor ansixiyey heshiiskaas, kadib markii uu faahfaahin ka siiyey madaxweyne Xasan Sheekh oo hor-tegay, si uu ugu qanciyo danta Soomaaliya ugu jirta heshiiskaas.

Dowladda ayaa shaacisay in banaanbaxa lagu taageerayo heshiiskaas uu maanta ka dhici doono garoonka ku badda cagta ee Eng. Yariisow Stadium, kaas oo ku yaalla degmada Cabdicasiis ee magaalada Muqdisho.

“Bahda Saxaafada waxaa lagu wargelinayaa in maalinta barito (Sabti, 24 February 2024) Garoonka Kubadda Cagta Eng. Yariisow Stadium (Ex – Koonis) uu ka dhici doonno Banaanbax aad u balaaran oo lagu taageerayo Heshiiska Iskaashiga Difaaca & Dhaqaalaha ee dhex maray Soomaaliya iyo Turkiga. Waqtigu waa 8:00 subaxnimo. Mahadsanidiin,” ayaa lagu yiri qoraalka lagu iclaamiyey banaanbaxa.

Dadka Soomaaliyeed ayaa aad u taageersan heshiiskaan, maadaama Soomaaliya ay deg deg ugu baahan tahay garab difaac, sida aad horay u ogeydeenba Itoobiya ayaa cadeysatay damac waali ah oo badda Soomaaliya ay ku gunguriyeyneyso, waxaana khasab noqotay in awood looga difaaco badda Soomaaliya.

8-dii bishaan ayey wasiirrada gaashaandhigga ee Soomaaliya iyo Turkiga heshiiskaan ku kala saxiixdeen magaalada Ankara ee dalka Turkiga, waxaana labo maalmood ka hor faafinta rasmiga ah ee dowladda Soomaaliya ku soo baxay heshiiskaas, kadib markii golayaasha dastuuriga ah ee ay ansixiyeen, Madaxweyne Xasan Sheekh-na uu saxiixay.

Heshiiskaan ayaa sii jiraya muddo 10 sano ah, wuxuu ogolaanayaa in ciidamada Turkiga ay soo degaan badda Soomaaliya, isla markaana ay ka difaacaan wax kasta oo sharci darro ah, mudadaasna waxaa lagu dhisi doonaa awooda ciidamada badda Soomaaliya, si waajibaadkooda qaran ay u gutaan.

Turkigu waa saaxiibka dhow ee Soomaaliya, wuxuuna Itoobiya ugu hanjabay in dhulka Soomaaliya aysan imaa karin oo awood ciidan looga difaaci doono, kadib markii madaxweynaha Turkiga uu toos ula xiriiray ra’iisul wasaaraha Itoobiya Abiy Axmed.

{DHAGEYSO} Warka Habeenimo ee Warbaahinta Hiiraanweyn {26.07.2024}

Jimco 26 July 2024 {HMC} Dhageystayaal halkan waxa aan idiin kugu soo gudbi neynaa Warka habeenimo ee Warbaahinta Hiiraanweyn Warka waxaa soo jeedinayo ::Abdirahman Maclin...

{DAAWO MUUQAALKA} Madaxweyne Dabageed oo Hal Arin ka Dalbaday dadka ku Nool Degmada Moqokori.

Jimco  26 July 2024 {HMC}  Madaxweyne Dabageed oo Hal Arin ka Dalbaday dadka ku Nool Degmada Moqokori. HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA…

WARARKA