Saturday, July 27, 2024
spot_imgspot_img

Mareykanka oo shaaciyay in ay bur buriyeen diyaarado iyo gantaalo Weeraro loo isticmaali rabay

Sabti, Feb, 24, 2024 {HMC} Diyaaradaha dagaalka dowladda Mareykanka ayaa weeraro qorsheysan saacadihii lasoo dhaafay ka fuliyay goobo bartilmaameed milatari ah, oo ay maamulaan kooxda Xuutiyiinta ee katalisa qeybo kamid dalka Yemen.

War kasoo baxay milatariga Mareykanka ayaa lagu sheegay in ay burburiyeen diyaaradaha aan duuliyaha lahayn oo ay weerarada u isticmaalayeen kooxda Xuutiyiinta iyo weliba gantaallada iyana lagu weeraro maraakiibta isticmaasha badda cas.

Mareykanka ayaa sheegay in diyaaradaha aan duuliyaha laheyn iyo gantaalada ay bur buriyeen ay halis ku ahaayeen maraakiibta ganacsi ee isticmaasha badda cas iyo sidoo kale iyo maraakiibta dagaalka Mareykanka.

Warka milatariga Mareykanka kasoo baxay ayaa lagu sheegay in ay bartilmaameedsadeen afar diyaaradood oo ah nooca is wada, iyo laba ka mida gantaallada lagu weeraro maraakiibta, kuwaas oo xilligaas ay xuutiyiintu qorshaynayeen inay weeraro ku fuliyaan.

Milatariga Mareykanka ayaa sidoo kale shaaciyay in ay soo rideen dhowr diyaaradood oo nuuca aan duuliyaha laheyn ,kuwaa oo xilligaa dul heehaabayay markab ganacsi oo marayay badda cas.

{DHAGEYSO} Warka Habeenimo ee Warbaahinta Hiiraanweyn {26.07.2024}

Jimco 26 July 2024 {HMC} Dhageystayaal halkan waxa aan idiin kugu soo gudbi neynaa Warka habeenimo ee Warbaahinta Hiiraanweyn Warka waxaa soo jeedinayo ::Abdirahman Maclin...

{DAAWO MUUQAALKA} Madaxweyne Dabageed oo Hal Arin ka Dalbaday dadka ku Nool Degmada Moqokori.

Jimco  26 July 2024 {HMC}  Madaxweyne Dabageed oo Hal Arin ka Dalbaday dadka ku Nool Degmada Moqokori. HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA…

WARARKA