Saturday, July 27, 2024
spot_imgspot_img

Maydka Marxuum Cabdinaasir Dahable oo loo qaaday Hargeysa

Sabti, Feb, 24, 2024 {HMC} Allaha u naxariistee waxaa maanta magaalada Muqdisho diyaarad looga qaaday maydka gaasimihii waaxda diyaaradaha ee hey’adda duulimaadka rayidka Soomaaliya Cabdinaasir Muuse Dahable oo 18-ka bishan meydkiisa laga helay gurigii oo ku yaala Waaxda Janaraal Daa’uud, gaar ahaan Xaafadda Ceel Qalow.

Marxuumka ayaa loo duuliyay magaalada Hargeysa ee caasimada Somaliland, halkaas oo ay dagan yihiin ehelladiisa, si loogu aaso.

Xildhibaano ka tirsan labada gole oo deegaan doorashadooda ay tahay gobollada waqooyi iyo mas’uuliyiin kale ayaa maydka marxuumka kusii sagootiyay garoonka Muqdisho.

Kiiska Cabdinasaair Dahable ayaa dhaliyay shaki xoogan, waxaana soconaya baaritaan ku aadan dilkiisa oo loo soo xiray illaa 6 qof, sida ay shaacisay dowladda Soomaaliya.

Agaasime Cabdinaasir ayaa kaligiis deganaa guri ku yaalla garoonka Aadan Cadde, waxaa la garan waayey cidda ku dhex dishay gurigiisa.

Sidoo kale wuxuu dilkiisu sii xoojiyay xiisadda haatan u dhexeysa dowladda federaalka iyo Somaliland oo isku hayay arrinta maamulka hawada ee dalka.

Madaxweyne Muuse Muuse oo dhowaan khudbad jeediyay ayaa ka hadlay dilka Cabdinaasir Dahable loogu gaystay magaalada Muqdisho, kaas oo deegaan ahaan kasoo jeeda Somaliland, sidoo kalena u shaqeynayay hay’adda duulista hawada Soomaaliya.

“Madaxweyne Xasan Waxaan ku leeyahay ninkii Soomaliland ee Xamar aad ku disheen godobteeda adeey ku agfadhidaa, uma qabno in ilmo yar yar iyo qaar kale ay ka timid, arrintan waxaa weeye anaa ku dilay anaa kuu gar qaadaya ana kuu go’aaminayo” ayuu yiri.

Lama oga in geerida agaasimihii waaxda diyaaradaha dalka ka howlgala ee dowladda federaalka ay ku lug leedahay xiisadda ka taagneed hada Soomaaliya, waxaana laga war sugayaa baaritaanada socda ee lagu ogaanayo cidda dishay marxuumka.

{DAAWO MUUQAALKA} Hogaanka sare ee xisbiga kulmiye ayaa munaasibad Soo dhawayn ah u sameeyay Qurba jooga Somaliland

Sabti 27 July 2024 {HMC} Hogaanka sare ee xisbiga kulmiye ayaa munaasibad Soo dhawayn ah u sameeyay Qurba jooga Somaliland HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA

{DAAWO MUUQAALKA}WAR DEG-DEG AH: Waxaa la shaaciyay Xildhibanada golaha Deegaanka ee sadexda degmo ee gobolka Nugaal.

Sabti 27 July 2024 {HMC} WAR DEG-DEG AH: Waxaa la shaaciyay Xildhibanada golaha Deegaanka ee sadexda degmo ee gobolka Nugaal. HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA

WARARKA