Saturday, July 27, 2024
spot_imgspot_img

Nin caado ka dhigtay iyo dhagxaanta iyo dhuxusha sida raashinka u cuno markasta !

Sabti, Feb, 24, 2024 {HMC} Ninkan wuxuu sida cunnada oo kale u cunaa dhuxusha, dhagaxyada iyo ciidda ama carrada. Wuuna cantuugaa isaga oo weliba ku raaxaysanaya. Muxuuse u cunaa? Miyaysan halis ku ahayn caafimaadkiisa? Dadkuna maxay ugu fiirsanayaan may ka celiyaan? Miyayse jirtaa cilmi baaris taageeri karta ficilkiisa?

Mana ahan oo kaliya ninkan la yiraahdo Jaamac qofka aduunyada oo dhan ka cuna dhuxusha, ciidda, iyo dhagaxyada. Dalka Kenya waxaa ku nool haweeney la yiraahdo Catherine oo cunta ciidda oo aan gebi ahaanba jecleyn cuntada dadku quuto. Hindiyana waxaa jooga Pakiraba oo si waalli ah ugu raaxaysta ruugidda dhadhaabta adag. Waxaase kasii yaab badan dalka Kazakistan oo leh suuq sida raashiinka lagu iibiyo dhagaxyada oo ay cunaan dad jecel oo cunno ahaan u quuta.

Way badan yihiin sheekooyinkaas. Gudaha dalka Jamhuuriyadda Dimuqraadiga ah ee Koongo waxaa ku nool igaar sida raashiinka u cuna ciidda iyo dhagaxyada iyo wixii la halmaala. Dadkuna intooda badan waxay u heystaan inuu waalan yahay. Mise waalna wuuna fadhiyaa maskax ahaan.

Xubin muhiim ah ayuuse ka yahay reerkiisa. Waxaana xaalkiisu ilaa hadda uu yahay mid aysan wada liqin dadkiisa oo in badan ay ku eegayaan fiiro dhiillo leh. Wuxuu jajabsadaa dhagaxyada, dhuxusha, wuxuuna sida soorta u cantuugaa ciidda. Tani waa hab nololeed uu Jamac doortay inuu ku noolaado. Xilli hore oo carruurnimadiisa ah ayuu soo bilaabay.

Qoyskiisu waxay taniyo iyo markii uu yaraa kala dagaallamayeen inuu joojiyo cunista dhagaxda iyo ciidda oo uu sidooda oo kale la wadaago cuntada caadiga ah. Waxayna xattaa siinayeen dawooyinka kor u qaadaya iron-ta jirkiisa ku jira. Markii ay si kastaba, uga taag waayeen rabitaankiisa, way iska dhaafeen. Hadda marka qoysku ay ku raaxaysanayaan cunnadooda, wuxuu isna geeskiisa kaga ruugaa ama cantuugaa dhagaxda iyo ciidda

Waxaa lahga yaabaa inuu mararka qaar raashiinka caadiga ah wax ka cuno laakiin saddexda shey oo uu cunidooda jecel yahay ayaa kala ah; dhuxusha, dhagaxda iyo ciidda. Wuxuu sheegay inuusan marnaba ku dhargaynin cunnada caadiga ah – laakiin cunnada kale uu ku dareemayo qanacsanaan.

Waa doob aan weli guursan. Mana cadda hadii uu ka caaganaan doono cunidda dhagaxda iyo in kale marka uu xaasle noqdo. Wuxuuse ilaa hadda dareemaya xurriyad maangal ah oo uu naftiisa ku hoggaamin karo rabitaankiisa.

In kasta oo qoyskiisu ay fahmayaan xaaladdiisa, haddana way adag tahay in dadka intiisa badan ay u qaataan inuu fayow yahay. Waxayna u maleeyaan in madaxa looga jiro marka ay arkaan isaga oo dhagxaan ama dhuxul dhulka ka gurubsanaya.

Yaraantiisa marka waalidiintiisu ay siiyaan cuntada caadiga ah wuu ku jiran jiray, sababtaas awgeed ayuu ku doortay, sida uu sheegtay, inuu si buuxda ugu weecdo cunidda dhagaxda iyo ciidda

{DAAWO MUUQAALKA} Hogaanka sare ee xisbiga kulmiye ayaa munaasibad Soo dhawayn ah u sameeyay Qurba jooga Somaliland

Sabti 27 July 2024 {HMC} Hogaanka sare ee xisbiga kulmiye ayaa munaasibad Soo dhawayn ah u sameeyay Qurba jooga Somaliland HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA

{DAAWO MUUQAALKA}WAR DEG-DEG AH: Waxaa la shaaciyay Xildhibanada golaha Deegaanka ee sadexda degmo ee gobolka Nugaal.

Sabti 27 July 2024 {HMC} WAR DEG-DEG AH: Waxaa la shaaciyay Xildhibanada golaha Deegaanka ee sadexda degmo ee gobolka Nugaal. HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA

WARARKA