Saturday, July 27, 2024
spot_imgspot_img

DF oo si adag uga jawaabtay hadal maanta uu yiri Muuse Biixi

Axad-Feb-25-2024-{HMC} Mas’uuliyiinta Somaliland ayaa maanta mar kale dilkii Cabdinaasir Muuse Dahable ku eedeeyey dowladda Soomaaliya, gaar ahaan madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud, masuuliyiinta eedeyntaas u soo jeedisay DF Soomaaliya waxaa ka mid ahaa Muuse Biixi.

Wasiir ku-xigeenka wasaaradda warfaafinta dawladda federaalka Soomaaliya Cabdiraxmaan Yuusuf Al-Cadaala oo la hadlay warbaahinta ayaa hadalka Muuse Biixi ku tilmaamay mid shacabka Somaliland looga jeedinayo badooda la iibsaday.

Wasiir Al-Cadaala wuxuu sheegay in aysan suurtagal aheyn in masuuliyadda dowladda Soomaaliya lagu dilo qof muwaadin ah oo waliba ka mid ahaa masuuliyiinta hey’adda ka tirsan dowladda.

“Waa maqalnay hadalka kheyru masuulnimada ah ee Muuse Biixi, waxaa u soo dhiibay hadaladaas naceybka ah cadowga umadda Soomaaliyeed, hadalkiisu waa boor isku qaris wuxuu ku fashilmay wixii uu ka shaqeynayey, wuxuuna abuurayaa naceyb uu dadka Soomaaliyeed uga qarinayo ficiladii xumaa ee uu ka shaqeynayey,” ayuu yiri wasiir Al-Cadaala.

Wasiirka ayaa sidoo kale sheegay in booliska Soomaaliya ay wadaan baaritaan ku saabsan sidii uu u dhintay, isagoo xusay in boolisku hayaan lix qof, isla markaana natiijada laga sugayo baaritaanka socda.

“Geerida Cabdinaasir Dahable waan ka xunahay, wuxuu ka mid noqday dadkii Soomaaliyeed ee maalmahaan sida xaqdarada ah loo dilay, waxaana socda baaritaan, in dilka wiilkaas la siyaasadeeyo aad ayaan uga xunahay,” ayuu yiri.

Wasiir ku xigeenka warfaafinta Soomaaliya ayaa dadka ku nool gobollada waqooyi ugu baaqay in hadallada naceyb ah ee xaqiiqada ka fog aysan aaminin, kuwaas oo uu sheegay in Muuse Biixi iyo xubno la shaqeeya ay dadka la wadaagayaan.

“Muqdisho maalmihii lasoo dhaafay shilal kala duwan ayaa ka dhacay dadkii ku baxay ayuuna ka mid ahaa Cabdinaasir waan ka xunahay geeridiisa, baaritaanka dilkiisana booliska ayaa u xilsaaran, wixii intaas dhaafsan ee ka soo yeera Muuse iyo raggiisa waa naceyb la dhexdhigayo dadka Soomaaliyeed,” ayuu yiri wasiir Cabdiraxmaan Al-Cadaala.

{DAAWO MUUQAALKA} Hogaanka sare ee xisbiga kulmiye ayaa munaasibad Soo dhawayn ah u sameeyay Qurba jooga Somaliland

Sabti 27 July 2024 {HMC} Hogaanka sare ee xisbiga kulmiye ayaa munaasibad Soo dhawayn ah u sameeyay Qurba jooga Somaliland HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA

{DAAWO MUUQAALKA}WAR DEG-DEG AH: Waxaa la shaaciyay Xildhibanada golaha Deegaanka ee sadexda degmo ee gobolka Nugaal.

Sabti 27 July 2024 {HMC} WAR DEG-DEG AH: Waxaa la shaaciyay Xildhibanada golaha Deegaanka ee sadexda degmo ee gobolka Nugaal. HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA

WARARKA