Saturday, July 27, 2024
spot_imgspot_img

Dowladaha Soomaaliya iyo Qatar oo kala saxiixday heshiis is-afgarad ah

Axad-Feb-25-2024-{HMC} Wasiirka Caddaaladda iyo Arrimaha Dastuurka XFS, Mudane Xasan Macallim Maxamuud oo booqasho rasmi ah ku jooga Dooxa iyo wasiirka Cadaaladda dalka Qatar, ahna wasiirudawlaha Arrimaha golaha wasiiradda dalka Qatar mudane Ibraahiim Bin Cali Almuhannadi ayaa maanta kala saxiixday heshiis is-afgarad ah oo ku saabsan iskaashiga arimaha sharciga.

Heshiiskan Is-afgaradka ah wuxuu ka turjumayaa danaha labada dal ee isweydaarsiga macluumaadka iyo khibradaha qaabka diyaarinta, qorista iyo daraaseynta qabyo-qoraallada heshiisyada iyo heshiisyada is-afgaradka.

Sidoo kale, waxay labada dowladood iska kaashanayaan cilmi-baarista sharciga iyo garsoorka ee labada dawladood, barnaamijyada tababarrada sharci iyo garsoor, kor-u-qaadidda xirfadda & aqoonta sharciyaqaannada, qareennada iyo nootaayooyinka.

Munaasabadda saxiixa is-afgaradka oo ka Xarunta Wasaaradda Cadaaladda ee Qatar ayey labada wasiir kulan gaar ah oo ay ku qaateen uga wada hadleen xiriirka labada dal, iskaashiga Cadaaladda ee labada dal,dhameystirka dastuurka Soomaaliya ,dhismaha cadaaladda dalka iyo in labada wasaaradood iska kaashadaan khibrad wadaagga iyo dhanka sharciga.

{DAAWO MUUQAALKA} Hogaanka sare ee xisbiga kulmiye ayaa munaasibad Soo dhawayn ah u sameeyay Qurba jooga Somaliland

Sabti 27 July 2024 {HMC} Hogaanka sare ee xisbiga kulmiye ayaa munaasibad Soo dhawayn ah u sameeyay Qurba jooga Somaliland HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA

{DAAWO MUUQAALKA}WAR DEG-DEG AH: Waxaa la shaaciyay Xildhibanada golaha Deegaanka ee sadexda degmo ee gobolka Nugaal.

Sabti 27 July 2024 {HMC} WAR DEG-DEG AH: Waxaa la shaaciyay Xildhibanada golaha Deegaanka ee sadexda degmo ee gobolka Nugaal. HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA

WARARKA