Saturday, July 27, 2024
spot_imgspot_img

Madaxweyne Xassan Shiikh oo saxiixay sharci muhiim ah ay soo gudbisay Wasaaradda..

Axad-Feb-25-2024 {HMC} Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maanta saxiixay sharciga illaalinta iyo maareynta deegaanka oo ay horray u ansixiyeen labada aqalka ee Baarlamaanka JFS.

Wasiirka wasaaradda deegaanka iyo Isbeddelka cimilada ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Marwo Khadiijo Maxamed Almakhsuumi ayaa madaxweyne Xasan Sheekh uga mahadcelisay inuu saxiixay sharcigaan oo muhiim ah ilaalinta deegaanka.

“Waxaan u mahad celinaayaa madaxweynaha JFS Mudane Xasan Sheekh Maxamuud oo maanta saxiixay sharciga ilaalinta iyo Maareeynta Deegaanka ee ay horrey u ansixiyeen Labada aqal ee baarlamaanka JFS” ayey tiri wasiir Khadiijo Maxamed Almakhsuumi.

Wasaaraddda deegaanka iyo isbaddelka cimilada ee DFS ayaa in muddo ah ku howlaneed soo saaridda sharci lagu badbaadin karo, laguna maareeyn karo deegaanka.

Sharcigan ayaa muhiim u ah illaalinta iyo maareeynta deegaanka si looga hortago, loona yareeyo saameeynta dalkeenu ku yeelan karto isbeddelka cimiladda.

{DAAWO MUUQAALKA} Hogaanka sare ee xisbiga kulmiye ayaa munaasibad Soo dhawayn ah u sameeyay Qurba jooga Somaliland

Sabti 27 July 2024 {HMC} Hogaanka sare ee xisbiga kulmiye ayaa munaasibad Soo dhawayn ah u sameeyay Qurba jooga Somaliland HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA

{DAAWO MUUQAALKA}WAR DEG-DEG AH: Waxaa la shaaciyay Xildhibanada golaha Deegaanka ee sadexda degmo ee gobolka Nugaal.

Sabti 27 July 2024 {HMC} WAR DEG-DEG AH: Waxaa la shaaciyay Xildhibanada golaha Deegaanka ee sadexda degmo ee gobolka Nugaal. HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA

WARARKA