Saturday, July 27, 2024
spot_imgspot_img

NISA oo xirtay sarkaal sare oo ka tirsan hay’addii uu ka shaqeynayay Cabdinaasir

Axad-Feb-25-2024 {HMC} Hay’adda Sirdoonka iyo Nabad-sugida Qaranka ee NISA ayaa maanta soo xirtay Mubaarik Nuur Cali oo ah sarkaal sare oo ka tirsan Hay’adda Duulista Rayidka Soomaaliyeed.

Mubaarik oo ka soo jeeda Somaliland, gaar ahaan gobolka Awdal ayey NISA usoo xirtay si ay su’aallo u weydiiso.

Mubaarik ayaa kamid ah shaqsiyaad ay hay’adda hore ula yeelatay wareysi la xiriira kiiska xasaasiga ah ee Agaasimihii waaxda diyaaradaha ee hay’adda duulimaadka rayidka, kaasi oo dhawaan maydkiisa laga helay hoyga uu ka deganaa magaalada Muqdisho.

NISA ayaa horey xog wareysi ula yeelatay inta badan shaqaalaha hay’adda duulista rayidka Soomaaliya oo uu ka tirsanaa Cabdinaasir Dahable oo maanta lagu aasay gudaha Somaliland, oo uu kasoo jeeday.

Marxuum Cabdinaasir Muuse Dahable ayaa maanta magaalada Gabiley loogu sameeyay aas qaran, kaasi oo ay ka qeyb-galeen madaxda u sareys Somaliland oo ugu horreeyo madaxweyne Muuse Biixi iyo boqollaal ka tirsan shacabka kala duwan ee reer Somaliland.

Si kastaba, Arrimahaan ayaa imaanaya, xilli aan weli la ogaan cidda dishay marxuumka, maadaama kaligiis uu deganaa guri ku yaalla agagaarka garoonka Aadan Cadde, ayna socdaan baaritaanno ku aadan dhacdadaasi, sida ay sheegtay dowladda federaalka Soomaaliya.

{DHAGEYSO} Warka Habeenimo ee Warbaahinta Hiiraanweyn {26.07.2024}

Jimco 26 July 2024 {HMC} Dhageystayaal halkan waxa aan idiin kugu soo gudbi neynaa Warka habeenimo ee Warbaahinta Hiiraanweyn Warka waxaa soo jeedinayo ::Abdirahman Maclin...

{DAAWO MUUQAALKA} Madaxweyne Dabageed oo Hal Arin ka Dalbaday dadka ku Nool Degmada Moqokori.

Jimco  26 July 2024 {HMC}  Madaxweyne Dabageed oo Hal Arin ka Dalbaday dadka ku Nool Degmada Moqokori. HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA…

WARARKA