Saturday, July 27, 2024
spot_imgspot_img

Somaliland oo shaacisay jirdil daran oo loo geystay C/Naasir Dahable kahor inta uusan dhiman

Axad-Feb-25-2024 {HMC} Somaliland ayaa maanta shaacisay natiijada baaritaan ay ku sameysay maydka marxuum Cabdinaasir Muuse Dahable oo todobaadkii hore maydkiisa laga helay guri uu ka daganaa magaalada Muqdisho ee caasimada Soomaaliya.

Marxuumka ayaa ahaa Agaasimihii waaxda diyaaradaha ee hey’adda duulimaadka rayidka Soomaaliya, waxaana shalay maydkiisa laga dajiyay magaalada Hargeysa.

Maamulka isbitaalka wayn ee Hargeysa ayaa shaaciyay natiijada baaris ay ku sameeyeen maydka oo qaadatay muddo 48 saacadood ah, waxayna sheegeen in Cabdinaasir lagu dilay ceeji loona adeegsaday xarig, sida uu shaaciyay agaasimaha isbitaalka guud ee Hargeysa.

“Marka koowaad Cabdinaasir waxaa loo gaystay in lagu ceejiyay xarig dhumucdiisu ay wayn tahay, kaas oo calaamadaha noo muuqda uu yahay ugu yaraan in xarigaas qoortiisa lagu hayay muddo 5 daqiiqo ah illaa 7 daqiiqo inta u dhexeyso” ayuu yiri agaasimuhu.

Sidoo kale wuxuu tilmaamay in ka hor inta la dilin marxuumka loo gaystay jirdil xoogan oo ka muuqday jirkiisa, ayna ku ogaadeen baaritaanka ay ku sameeyeen.

“Waxa kaleoo nooga muuqday marxuum Cabdinaasir oo baaritaanka nooga soo baxay in daanga midig uu jaban yahay jug wayna ay gaartay waxaa kale oo ay jug ka gaartay xiniinta bidix barar fara badana uu ku leeyahay qaraxna ay leedahay” ayuu sii raaciyay.

Natiijada ay shaacisay Somaliland ayaa sidoo kale lagu sheegay in marxuumka loo gaystay dhibaato kale oo weyn, isla markaana saddexdii cishe ee ugu dambeysay talaagadii uu ku jiray maydka laga jaray dabka, uuna isbeddalka jirka marxuumka.

“Waxaas oo dhan oo aan ku aragnay maydka Cabdinaasir waxaa kasii wayn jariimo kale oo runtii bani’aadanimada iyo islaanimada ka baxsan oo ah in talaagadii maydka ee Cabdinaasir dabka laga jaray saddexdii cishe ee ugu dambeysay” ayuu mar kale yiri.

Sidoo kale wuxuu kusii daray “Maydka wuu isbedalay dibiro badana wuu yeeshay, jirkiisuna uu aad isku beddelay, taas oo aan oran karno waa jariimo ama waa xadgudub loo gaystay maydka qof muslim ah”.

Hadalkan ayaa kusoo aadayo, ayada oo aan weli la ogaan cidda dishay marxuumka, maadaama kaligiis uu deganaa guri ku yaalla agagaarka garoonka Aadan Cadde, waxaase dowladda Soomaalya dhankeeda ay sheegtay in ay waddo baaris ku aadan dhacdadaasi.

{DHAGEYSO} Warka Habeenimo ee Warbaahinta Hiiraanweyn {26.07.2024}

Jimco 26 July 2024 {HMC} Dhageystayaal halkan waxa aan idiin kugu soo gudbi neynaa Warka habeenimo ee Warbaahinta Hiiraanweyn Warka waxaa soo jeedinayo ::Abdirahman Maclin...

{DAAWO MUUQAALKA} Madaxweyne Dabageed oo Hal Arin ka Dalbaday dadka ku Nool Degmada Moqokori.

Jimco  26 July 2024 {HMC}  Madaxweyne Dabageed oo Hal Arin ka Dalbaday dadka ku Nool Degmada Moqokori. HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA…

WARARKA