Saturday, July 27, 2024
spot_imgspot_img

Wasiiru-dowlaha difaaca UK oo kulan xasaasi Muqdisho kula yeeshay Xasan + Ujeedka

Axad-Feb-25-2024-{HMC} Madaxweynaha Soomaaliya Dr Xasan Sheekh Maxamuud ayaa Madaxtooyada Qaranka ku qaabilay Wasiiru-dowlaha Gaashaandhiga ee Dowladda Ingiriiska James Stephen Heappey oo booqasho ku yimid dalkeenna.

Madaxweynaha ayaa la wadaagay wasiirka guulaha wax ku oolka ah ee laga gaaray xaqiijinta amniga, tayeynta ciidamada iyo la-dagaallanka kooxda AS oo hadda maraya heer wanaagsan.

“Tallooyinkaasi oo suurta-galisay in dalkeennu uu ka gudbo marxaladdo adag oo ay ka mid tahay qaadista cunaqabateynta hubka,” ayaa lagu yiri qoraal kasoo baxay Villa Soomaaliya.
Madaxweynaha ayaa uga mahad-naqay Boqortooyada Dowladda Ingiriiska doorka ay ka qaadato tababarida ciidamada Soomaaliyeed, xilli ay Soomaaliya isku diyaarineyso la wareegida mas’uuliyada amni ee dalka, kadib bixitaanka qeybaha ka harsan ciidamada ATM.

Wasiiru-dowlaha Gaashaandhiga Boqortooyada Ingiriiska Mudane James Stephen ayaa dhankiisa bogaadiyey horumarada muuqda ee ay si wadajir ah ugu tallaabsadeen shacabka iyo dowladda Soomaaliyeed.

Sidoo kale waxa uu xusay sida ay uga go’an tahay dowladdiisa xoojinta iskaashiga difaaca iyo la dagaallanka kooxda AS ee ka dhaxeeya Soomaaliya iyo UK.

Si kastaba, Soomaaliya ayaa weli ku jirto marxalad dagaal, kaasi oo ay haatan taageero caalami ah u raadinayso, waxaana heer geba-gebo ah maraya wejiga hore ee dagaalka, oo kooxda AS lagu gaarsiiyay khasaare xooggan, loogana qabsaday degmooyin iyo deegaano muhiim ah oo ay sanado badan ka talineysay.

{DAAWO MUUQAALKA} Hogaanka sare ee xisbiga kulmiye ayaa munaasibad Soo dhawayn ah u sameeyay Qurba jooga Somaliland

Sabti 27 July 2024 {HMC} Hogaanka sare ee xisbiga kulmiye ayaa munaasibad Soo dhawayn ah u sameeyay Qurba jooga Somaliland HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA

{DAAWO MUUQAALKA}WAR DEG-DEG AH: Waxaa la shaaciyay Xildhibanada golaha Deegaanka ee sadexda degmo ee gobolka Nugaal.

Sabti 27 July 2024 {HMC} WAR DEG-DEG AH: Waxaa la shaaciyay Xildhibanada golaha Deegaanka ee sadexda degmo ee gobolka Nugaal. HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA

WARARKA