Saturday, July 27, 2024
spot_imgspot_img

Biden oo la kulmaya masuuliyiinta Congress-ka Maraykanka

isniin-Feb-26-2024-{HMC} Madaxweynaha Mareykanka Joe Biden ayaa kulan ka dhacaya Aqalka Cad maalinta Salaasada ah, isugu yeeray afarta masuul ee ugu sarreeya labada aqal ee Baarlamaanka Maraykanka.

Kulankan ayaa sida laga soo xigtay sarkaal ka tisan Aqalka Cad, oo magaciisa qariyay, waxaa madaxdan iyo madaxweynuhu ay ku gorfeynayaan gargaarka deg degga ah ee Ukraine iyo Israel iyo sidii looga fogaan lahaa in howlaha dowladdu ay istaagaan bisha soo socota ee March.

Afartan hogaamiye ee uu u yeeray Madaxweyne Biden ayaa waxay kala yihiin Afhayeenka Aqalka hoose ee Kongareeska Mike Johnson, hogaamiyaha Aqlabiyadda Aqalka Senateka Chuck Schumer, hogaamiyaha mudanayaasha Dimuquraadiga ee Aqalka Hoose Hakeem Jeffries, iyo hogaamiyaha Jamhuuriyiinta ee Aqalka Senateka Mitch McConnell.

Aqalka hoose ee ay ku xoogganyihiin Jamhuuriyiinta ayaa cadaadis badan kala kulmaya sidii uu u meel marin lahaa lacag gaareysa 95 bilyan oo dollar ah oo lagu bixinayo Ukraine, Israel iyo arrimo kale oo hortabin u leh amniga Qaranka Mareykanka.

{DHAGEYSO} Warka Habeenimo ee Warbaahinta Hiiraanweyn {26.07.2024}

Jimco 26 July 2024 {HMC} Dhageystayaal halkan waxa aan idiin kugu soo gudbi neynaa Warka habeenimo ee Warbaahinta Hiiraanweyn Warka waxaa soo jeedinayo ::Abdirahman Maclin...

{DAAWO MUUQAALKA} Madaxweyne Dabageed oo Hal Arin ka Dalbaday dadka ku Nool Degmada Moqokori.

Jimco  26 July 2024 {HMC}  Madaxweyne Dabageed oo Hal Arin ka Dalbaday dadka ku Nool Degmada Moqokori. HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA…

WARARKA