Sunday, April 14, 2024
spot_imgspot_img

Boqoradii ugu saameynta badan taariikhda Islaamka ee ‘saaxiradda’ lagu naaneysay

isniin-Feb-26-2024-{HMC} Aniga oo isticmaalaya barta bulsho ee X, ayaa ereayo af-carabi ah oo lagu dul xardhay sawirka kor ka muuqda oo leeyahay dugsi ku yaalla Wuqooyiga Afrika, ay dareenkeyga soo jiiteen.

Inkasta oo aanan carabiga sidaas u aqoon, ayaa hadana waxaan fahmay macnaha erayadaas. Waxaa meesha ku qornaa ‘Dugsiga saree e Zainab Al-Nafsawiya ee gabdhaha’.

Sawir kale oo ku dhaganaa tabeele meesha ka agdhaw ayaa waxaa lagu qoray in boqoradaan ay ahayd mid noolayd intii u dhaxeysay sanadihi 1009 ilaa 1106 ayna ahayd xaaska Yusuf Bin Tashfin. Sida laga soo xigtay faylasuufka iyo taariikhyahankii Ibnu Khalduun – waxaa loo aqoonsaday in ahayd “mid ka mid ah haweenka dunida ugu caansan, quruxdeeda iyo hugaaminteeda awgeed”.

Waxaan ka akhriyey in boqortooyadii taliyahii weynaa – Yuusuf bin Tashfiin ee caanka ku ahayd duubka weyn ee buluugga ah, ay ku fiday saxaraha ay ku nool yihiin qowmiyadda Berber ka, ilaa iyo qaybo ka mid ah dhulka maanta loo yaqaan Morocco, Algeria iyo Spain.

Maaddaama Ibn Khalduun uu ka hadlay hoggaanka Saynab, ayaan rabay inaan xog intaas ka sii ogaado. Tani waa waxa aan ku helaybaaristii aan ku sameeyay noloshii Saynab al-Nafsawiya, oo ah haweeney caan ka ah taariikhda Islaamka.

Qoraaga reer Morocco, Fatima Marnissi ayaa boqoraddaan boos wayn ka siisay buuggeeda ‘Haweenkii Boqorada ahaa ee Islaamka ee la illoobay’.

Intii u dhaxaysay 1061 iyo 1107 Saynab al-Nafsawiya waxay ahayd mid maamusha boqortooyo aad u balaadhan oo ku fidsan waqooyiga Afrika ilaa Spain. Waxayna xukunka la haysay ninkeedii Yuusuf bin Tashfiin.

Taariikhyahanadu waxay u bixiyeen Saynab ‘Al-Qayma Bamlakihi’, oo macnaheedu yahay taliyaha boqortooyadii ninkeeda ama jilaha ugu muhiimsan ee maamula.

La taliye Fiican

Saynab waxay ahayd gabar uu dhalay ganacsade caan ah oo ka soo jeeda qoyska reer Nafsawa. Wuxuu ku dhahsay Aghmat – magaalo ku taala Morocco – halkaas ayuuna sidoo kale ku bartay aqriska iyo qoraalka.

Waxaa soo barbaarisay haweeneey ka soo jeeday boqotooyo Afrikaan ah ka hor inta uusan noqon adoon. Wuxuu baray gabadhiisa Saynab daawao dhaqameedka.

Sida uu sheegay Ibnu Khalduun, waxay guursatay Lakhut al-Mughrawi oo ahaa amiirkii magaalada Ahmad. Laakiin markii Lakhut lagu dilay dagaal dhacay ayaa hantidii waxay ku wareegtay Saynab.

Waxay guursatay al-Muraawi Abuu Bakar bin Cumar mar labaad.

Mar uu Abuu Bakar aaday dhanka koonfureed ee saxaraha si uu u damiyo jabhaddii qabiileed, ayuu qeyb ka mid ah ciidamadiisii oo dhanka galbeed joogay u xilsaaray ina-adeerkii Yuusuf bin Tashfiin ka hor inta uusan bixin. Waxa uuna furay Saynab isagoo ka baqaya dagaal dhee inuu dhexda u galo.

Saynab waxay guursatay Yuusuf ka dib markii ay dhammaysatay Cidadii. Saynab yusuf kaliya uma aysan noqon lammaane nolosha la wadaaga laakiin sidoo kale waxay noqotay la-taliyahiisa xigmadda badan.

Awoodii ciidan ee Yuusuf waxa ay dhidibada u taagtay saldanada weyn ee al-Murawi, taas oo ku fidsanayd laga soo bilaabo badweynta Atlaantika ee Aljeeriya, Senigaal iyo Isbayn waxayna ahayd mid islaami ah.

Dhanka kale, talada Saynab iyo fahamkeeda siyaasadeed ayaa door muhiim ah ku lahaa arrintan.

Sida laga soo xigtay taariikhyahanno badan, oo ay ku jiraan Ibn Azari, al-Bakri, iyo Ibn Khalduun, Saynab waxay ahayd mid aad u qurux badan, oo ay ka buuxaan awood, iyo karti aan caadi ahayn.

Wuxuu aqoon weyn u lahayd arrimaha siyaasadda. Taariikhyahanadu waxay ugu yeereen ‘saaxirad’ sababtaas awgeed.

Waxay gacan ka geysatay abaabulka ciidankii Yusuf bin Tashfin

Taariikhyahan Ibn Havgal waxa uu xusay Saynab inay ka mid ahayd dadkii caanka ahaa qarnigii kow iyo tobnaad ee Galbeedka Afrika. Aqoonteedii weyneed ee arrimaha siyaasadda awgeed, waxa ay meel muhiim ah ka gashay taariikhda ‘Maghrib’ ee qarniyadii dhexe.

Maghrib waa qaybta galbeed ee dunida Carabta, sidoo kale loo yaqaan ‘Arab Magrib’. Waa gobol ka mid ah Galbeedka iyo Bartamaha-Waqooyiga Afrika oo ay ku jiraan Algeria, Libya, Mauritania, Morocco iyo Tunisia iyo gobolka lagu muransan yahay ee Saxaraha Galbeed.

Yuusuf ma haysan ciidan xooggan oo guusha sii wada. Sida laga soo xigtay taariikhyahanada, Saynab waxay siisay hantideedii Yuusuf si uu dib u habeeyo ciidamadiisa. Sidoo kale waxa ay kula Talisay in uu canshuur ka qaado gobolada kala duwan ee ay maamulayeen.

Ciidamo kala duwan ayuu isku aruuriyay si uu arrintaa u fuliyo

Ibnu Abiizar waxa uu ku qoray kitaabkiisa ‘Raus al-Qardas’ in Yuusuf uu qabsaday galbeedka Afrika kadib talooyinkii ay bixisay Saynab, Saynabna ay wada xaajood la gahsay seygeeda. Waxa kale oo loogu naaneysay ‘Saaxirad’ xirfaddii ay u lahayd wada hadalka darteed.

Yuusuf wuxuu dhisay magaalada Marrakesh oo ku taalla Morocco oo noqotay caasimad dal xilligaas korayay. Waxay u egtahay in ay Saynab tahay cidda soo jeedisay doorashada meeshan in ay noqoto caasimad.

Caasimada la aruuriyay ayaan mar walba ahayn kuwa ka fogaa halka ay Saynab ku noolayd.

{DHAGEYSO} Warka Habeenimo ee Warbaahinta Hiiraanweyn 13-04-2024

Sabti 13 April , 2024 {HMC} Dhageystayaal halkan waxa aan idiin kugu soo gudbi neynaa Wark Habeenimo ee Warbaahinta Hiiraanweyn. Warka waxaa soo jeedinayo :Abdimajiid...

{DAAWO MUUQAALKA} Diyaarad Drone oo nooca wax basaasa ah oo lagu qabtay magaalada DHUUSAMAREEB

Sabti 13 April , 2024 {HMC} Diyaarad Drone oo nooca wax basaasa ah oo lagu qabtay magaalada DHUUSAMAREEB HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA https://youtu.be/KRaIzXrPAmA  

WARARKA