Saturday, July 27, 2024
spot_imgspot_img

{DAAWO SAWIRADA} Degmada Beergadiid Oo Markii Ugu Horeeysay Laga Hirgalinayo Soolarka Cadceeda Ku Shaqeeyo.

isniin-Feb-26-2024-{HMC}  Halkan oo ah xarunta Maamulka Degmada beergadiid waxaa lagu qabtay la kulanka Bulsho kaasi oo ujeedkiisa yahay taabo galinta leerarka ku shaqeeyo cadceeda iyo gacan-kuheeyntooda, kuwaas oo dhawaan laga hergalinayo degmada Beergadiid.
Dowlada Soomaaliya oo kaashaneeyso Maamulka Hirshabeelle ayaa degmadan ka hergalinayo

soolarka, waxaana Maalgaliyay Dowladaha Norway iyo Switzerland
Sidoo kale kulanka waxaa looga hadlay sidii Dayactir joogta ah u heli laahayeen iyo ilaalinta badqabkooda markii la taago, waxaana kulanka ka qeeyb galay, 20 qof oo Bulshada qeeybaheeda kala duwan ah iyo Maamulka degmada Beergadiid iyo Kan Matabaan.

Gudoomiyaha Degmada Beergadiid Dirir Samatar Cabdi ayaa kulanka daah furay, waxaana uu sheegay in Muhiimada kulanka uu yahay Sideii Bulshada ku nool degmadan ay qeeyb uga qaadan laheyd ilaalinta Soolarka ku shaqeeyo cadceeda wadooyinka oo dhawaan degmada laga hirgalinayo.
Qaar kamid ah Bulshada ku nool Degmada Beergadiid oo iskugu jiro Ganacsato, Haween iyo Odoyaal dhaqaneed ayaa u mahad celiyay Dowlada Soomaaliya iyo Maamulka Hirshabeelle oo Soolarkan wadooyinkan Degmada ka hirgalinayo.

Gudoomiye ku xigeenka Arimaha Bulshada Degmada Matabaan Maxamed Cali garaad oo Kulanka ka hadlay ayaa sheegay in Mashaariicdan ay ku yimaadeeyn dadaal dheer ee Maamulka uu sameeyay, waxaana uu dadka deegaanka ugu baaqay in la ilaashada. Dowladaha Norway iyo Switzerland oo maalgaliyay Mashruucan ayuu si gaar ah ugu mahadceliyay.

Soolarka Cadceeda ku shaqeeyo oo 25 xabo ah ayaa wax weyn ka badali doano horumarka Magaalada Beergadiid oo ku taalla Laamiga isku xiro Muqdisho iyo Hargeeysa oo ah Marin Muhiim ah

{DHAGEYSO} Warka Habeenimo ee Warbaahinta Hiiraanweyn {26.07.2024}

Jimco 26 July 2024 {HMC} Dhageystayaal halkan waxa aan idiin kugu soo gudbi neynaa Warka habeenimo ee Warbaahinta Hiiraanweyn Warka waxaa soo jeedinayo ::Abdirahman Maclin...

{DAAWO MUUQAALKA} Madaxweyne Dabageed oo Hal Arin ka Dalbaday dadka ku Nool Degmada Moqokori.

Jimco  26 July 2024 {HMC}  Madaxweyne Dabageed oo Hal Arin ka Dalbaday dadka ku Nool Degmada Moqokori. HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA…

WARARKA