Saturday, April 20, 2024
spot_imgspot_img

{DAAWO SAWIRADA} R W Xamsa Cabdi Barre,oo kulan la qaatay Safiirka Dowladda Türkiye

isniin-Feb-26-2024-{HMC} Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamsa Cabdi Barre, ayaa kulan saagootin ah la qaatay Safiirka sii baxaya ee Dowladda Türkiye u joogay Soomaaliya, Mudane Ibrahim M. Yagli.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa uga mahadceliyey Danjiraha muddadii uu ka howlgalayay Soomaaliya kaalintii uu ka qaatay xoojinta xiriirka iyo iskaashiga u dhaxeeya labada waddan ee walaalaha ah ee Soomaaliya iyo Türkiye.

Safiirka sii baxaya ee Türkiye, Mudane Ibrahim M. Yagli, oo ka hadlay kulanka ayaa sheegay inuu ku faraxsanyahay sidii wanaagsaneyd ee ay dowladda Soomaaliyeed iyo shacabka ugu garab istaageen gudashada waajibaadkiisa.

Mudane Xamsa ayaa sheegay in Dowladda Türkiye ay tahay saaxiib dhab ah oo is-garab taagay Soomaaliya xilliyo adag oo ay soo martay iyo hadda oo lagu soo xadgudbay Qarannimada iyo Madax-bannaanida Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya.

{DAAWO MUUQAALKA} Masuuliyiin xal u helidda Dagaaladii ka dhacay Diinsoor kala hadlay odayaasha Magaaladaas.

Sabti -20-April-2024 {HMC} Masuuliyiin xal u helidda Dagaaladii ka dhacay Diinsoor kala hadlay odayaasha Magaaladaas. HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA https://youtu.be/yRTV7LTMk-w  

{DAAWO MUUQAALKA} SIINKA DHEER Guud ahaa Maanta Waxaa Xiran Suuqa ugu weyn Duleedka Muqdisho ee lagu iibiyo Geela kadi

Sabti -20-April-2024 {HMC} SIINKA DHEER Guud ahaa Maanta Waxaa Xiran Suuqa ugu weyn Duleedka Muqdisho ee lagu iibiyo Geela kadi HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA https://youtu.be/BlnxPaj_xls  

WARARKA