Saturday, July 27, 2024
spot_imgspot_img

{DAAWO SAWIRADA} Shirka maamullada gobollada iyo degmooyinka HirShabeelle oo furmay.

isniin-Feb-26-2024-{HMC} Shirweynaha maamullada goballada iyo degmooyinka iyo isku-xirka dadaalada xasilinta deegaannada maamulka Hirshabelle oo galay maalintii 2-aad.

Madaxweynaha maamul goboleedka Hirshabeelle mudane Cali Cabdullaahi Xuseen {Cali Guudlaawe} ayaa maanta dhageystay masuuliyiinta heer gobal iyo degmo ee dowlad goboleedka Hirshabeelle.

Doodda ayaa diirada lagu saaray maxaa u hirgelay maamulada hadda dhisan oo ay ugu dambeeyeen kuwa loo magacaabay degmooyinka laga xorreeyay dagaallamayaasha Al Shabaab.

“Shirkan waa in la dhammeystiro dhammaan baahiyaha ay qabaan maamullada aan u xil-saarnay goballada iyo degmooyinka Hirshabeelle.”ayuu yiri madaxweynaha Hirshabelle.

Ugu dambeyn madaxweynaha maamulka Hirshabelle Cali Guudlaawe ayaa ku ammaanay kasoo qeybgalayaasha shirka Jowhar ka socda sida ay uga go’an tahay dowlad loo dhan yahay.

{DHAGEYSO} Warka Habeenimo ee Warbaahinta Hiiraanweyn {26.07.2024}

Jimco 26 July 2024 {HMC} Dhageystayaal halkan waxa aan idiin kugu soo gudbi neynaa Warka habeenimo ee Warbaahinta Hiiraanweyn Warka waxaa soo jeedinayo ::Abdirahman Maclin...

{DAAWO MUUQAALKA} Madaxweyne Dabageed oo Hal Arin ka Dalbaday dadka ku Nool Degmada Moqokori.

Jimco  26 July 2024 {HMC}  Madaxweyne Dabageed oo Hal Arin ka Dalbaday dadka ku Nool Degmada Moqokori. HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA…

WARARKA