Saturday, July 27, 2024
spot_imgspot_img

Dowlada Soomaaliya oo War ka soo saartay badqabka hawada Dalka Soomaaliya

isniin-Feb-26-2024-{HMC} Wasiirka Wasaaradda Gaadiidka iyo Duulista Hawada xukuumadda Federaalka, Fardowso Cigaal ayaa ka warbixisay badqabka duulimaadyada isticmaalka hawada dalkeenna iyo tallaabooyin lagula ilaalinaayo oo wasaaraddu qaaday.

Wasiiradda ayaa sheegtay in ay aad uga xun yihiin in dadka ay iska indha-tiraan nidaamka iyo dowladnimada oo wax aysan shaqo ku lahayn dhex galaan, waxayna hadalkeeda intaas kusii dartay in ay qaadeen tallaabadii ugu horeysay oo lagu ilaalinaayo badqabka duulimaadyada iyo isticmaalka hawadeenna.

Waxaa jira mitigation step wax la yiraahdo oo ilaa {4-3-5}, haddba inta aad adiga gaarsiin karto oo maalinba tallaabo gaar ah aad qaado, tallabadii ugu horeysay oo aan qaadnay waxay ahayd nootamyadii la diray iyo communication-kii, mobiladii niiclaha oo ay haysteen kii ka horumarsanaa {advanced} aan u guurnay, adduunkana u sheegnay ku niri nidaamkaas ayaa u guurnay, diyaaradahana u sheegnay in aysan dhageysan oo ay inagu si toos ah inoola soo hadlaan,”. ayey tiri wasiirada.

Sidoo kale, Wasiir Fardowso Cigaal, ayaa waxba kama jiraan ku tilmaantay wararka la isla dhexmariyay ee sheegaya in uu khal khal ka jiro badqabka duulimaadyada, waxayna wasiir Fardowsa carabka ku adkeysay in ay awood buuxda u leeyihiin maamulka hawada ee dalkeenna.

Haya’adda duulista rayidka ee Soomaaliya ayaa sheegtay in hadda wax laga badalay habka isgaarsiinta ee lagula xiriiro diyaaradaha maraya hawada Somaliland, sababo la xiriira hubinta badqabka hawada.

{DHAGEYSO} Warka Habeenimo ee Warbaahinta Hiiraanweyn {26.07.2024}

Jimco 26 July 2024 {HMC} Dhageystayaal halkan waxa aan idiin kugu soo gudbi neynaa Warka habeenimo ee Warbaahinta Hiiraanweyn Warka waxaa soo jeedinayo ::Abdirahman Maclin...

{DAAWO MUUQAALKA} Madaxweyne Dabageed oo Hal Arin ka Dalbaday dadka ku Nool Degmada Moqokori.

Jimco  26 July 2024 {HMC}  Madaxweyne Dabageed oo Hal Arin ka Dalbaday dadka ku Nool Degmada Moqokori. HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA…

WARARKA