Saturday, July 27, 2024
spot_imgspot_img

Jubbaland oo abaal-marisay askari ay kooxda AS ka dalbadeen inuu dilo taliyihiisa

isniin-Feb-26-2024-{HMC} Magaalada Afmadow ee gobolka Jubbada Hoose waxaa maanta lagu abaal-mariyey askari ka tirsan Daraawiishta Jubbaland oo kooxda AS ay ka dalbadeen inuu soo dilo taliyihiisa.

Askarigaas waxaa lagu magacaabo Weli Nuur Dhuubow, waxaa la soo xiriirtay kooxda AS, waxayna ka dalbadeen inuu soo qarxiyo taliyaha daraawiishta Jubbaland ee degmada Afmadow.

Askariga ayaa kooxda AS la jilay dhagartii ay u maleegayeen taliyaha, dhanka kalena wuxuu toos ula wadaagayey arrintaan taliyaha loo qorsheynayey dilka.

Labo miino ayey kooxdu u soo dhiibtay askariga, waxayna ka dalbadeen inuu u dhigo taliyaha daraawiishta Jubbaland ee Afmadow, balse askarigii ayaa heshiiska uga baxay kooxda.

Meel fagaare ah ayaa maanta lagu qarxiyey labadii miino ee kooxdu qorsheysay in Taliyaha lagu dilo, isla goobtiina waxaa lagu abaal-mariyey askarigii fashiliyey dhagartaas.

5,000 oo dollar ayaa fagaare ku yaalla Afmadow lagu guddoonsiiyey dable daraawiishta Jubbaland Weli Dhuubow, oo ku guuleystay inuu qiyaamo AS.

Taliyihii loo qorsheeyey dilkaas oo la hadlay warbaahinta ayaa sheegay in askarigaas uu yahay geesi mudan in lagu daydo, isagoo cadeeyey in xogta uu si toos ah uga helayey askariga, iyadoo ugu dambeyntii uu keenay qaraxyadii ay AS u soo dhiibeen.

Kooxda AS ayaa ku khasaartay dhagartaas ay doonayeen inay ku qaarajiyaan taliyaha ciidanka daraawiishta Jubbaland, waxaana abaal-marino kale loo balan-qaaday askari kasta oo sidaan oo kale u fashiliya dhagarta AS.

{DHAGEYSO} Warka Habeenimo ee Warbaahinta Hiiraanweyn {26.07.2024}

Jimco 26 July 2024 {HMC} Dhageystayaal halkan waxa aan idiin kugu soo gudbi neynaa Warka habeenimo ee Warbaahinta Hiiraanweyn Warka waxaa soo jeedinayo ::Abdirahman Maclin...

{DAAWO MUUQAALKA} Madaxweyne Dabageed oo Hal Arin ka Dalbaday dadka ku Nool Degmada Moqokori.

Jimco  26 July 2024 {HMC}  Madaxweyne Dabageed oo Hal Arin ka Dalbaday dadka ku Nool Degmada Moqokori. HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA…

WARARKA