Saturday, July 27, 2024
spot_imgspot_img

Madaxweyne Xasan Sheekh oo xarunta madaxtooyada ku qaabilay safiirka cusub ee Kenya

isniin-Feb-26-2024-{HMC} Madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh ayaa xalay xarunta madaxtooyada ku qaabilay safiirka cusub ee Kenya, Cyprian Kubai Iringo.

Ugu horreyn madaxweynaha ayaa warqadaha aqoonsiga danjirenimo ka guddoomay safiirka cusub ee Jamhuuriyadda Kenya ay u soo magacawday dalkeenna.

Madaxweyne Xasan Sheekh oo ugu hambalyeeyey danjiraha xilka loo igmaday ayaa u rajeeyey in uu ka miro dhaliyo sidii uu xaqiijin lahaa gudashada waajibaadkiisa diblomaasiyadeed.

Sidoo kale waxa uu xusay ahmiyada ay u leedahay Soomaaliya iyo Kenya iskaashi wadajir ah oo ku saleysan danaha labada dowladood iyo guud ahaan Gobolka.

Dhankiisa Danjire Cyprian Kubai ayaa madaxweynaha Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud soo gaarsiiyay salaan iyo farriin uu kaga siday Madaxweynaha dalkiisa William Ruto, isaga oo dowladda iyo shacabka Soomaaliyed uga mahadceliyey soo dhaweynta diiran.

Waxaa kale oo uu ballan qaaday in uu ka shaqeyn doono adkeynta xiriirka diblomaasiyadeed ee ka dhaxeeya labada dal ee Soomaaliya iyo Kenya.

Dhawaan ayaa Soomaaliya ayaa iyaduna safiir cusub u magacowday dalka Kenya, kaas oo ah Jibriin Cabdulle, si loo xoojiyo xiriirka labada dowladood.

Si kastaba, Soomaaliya iyo Kenya ayaa ah labada dal oo daris ah, waxayna sidoo kale ka qayb qaadataa dagaalka adag ee lagula jiro kooxda AS

{DHAGEYSO} Warka Habeenimo ee Warbaahinta Hiiraanweyn {26.07.2024}

Jimco 26 July 2024 {HMC} Dhageystayaal halkan waxa aan idiin kugu soo gudbi neynaa Warka habeenimo ee Warbaahinta Hiiraanweyn Warka waxaa soo jeedinayo ::Abdirahman Maclin...

{DAAWO MUUQAALKA} Madaxweyne Dabageed oo Hal Arin ka Dalbaday dadka ku Nool Degmada Moqokori.

Jimco  26 July 2024 {HMC}  Madaxweyne Dabageed oo Hal Arin ka Dalbaday dadka ku Nool Degmada Moqokori. HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA…

WARARKA