Saturday, July 27, 2024
spot_imgspot_img

Masar iyo Eritrea oo go’aan culus ka qaatay xiisadda badda ee Soomaaliya iyo Itoobiya

isniin-Feb-26-2024-{HMC} Madaxweynayaasha Eritrea Isaias Afwerki iyo Masar Cabdul-Fattaax al-Sisi ayaa ku kulmay magaalada Qaahira ee dalka Masar, kadib markii Afwerki uu Sabtigii u safray dalka Masar, arrimaha ay ka hadleen waxaa ka mid ahaa xiisadda Soomaaliya iyo Itoobiya.

Wasiirka warfaafinta Eritrea ayaa shaaciyey in safarka Madaxweynaha dalkaas uu ku joogo Masar uu qaada doono muddo seddax maalmood ah, waxaana casuumay Madaxweynaha Masar Cabdul Fattaax al-Sisi.

Wasiirro ay ka mid yihiin Warfaafinta iyo Arrimaha Dibadda Cusmaan Saalax ayaa ka mid ah wafdiga Madaxweyne Afwerki ee booqashada ku jooga dalka Masar, waxayna madaxda dalkaas kala hadli doonaan arrimaha labada dal, kuwa caalamka iyo gobolka intaba.

Madaxweynaha Masar ayaa bishii hore wasiirkiisa arrimaha dibadda Asseed Sameh Shukri u diray dalka Eritrea, xiligaas ayaa casuumaada Masar la gaarsiiyey Madaxweyna Eritrea Afwerki, waxayna maalmahaan ka hadli doonaan dagaalka sokeeye ee Suudaan, xaaladda Badda Cas iyo Geeska Afrika.

Saxiixa heshiiska dekedaha ee Itoobiya iyo Somaliland ee bishii January, ayaa xiisad diblomaasiyadeed ka dhex abuuray Soomaaliya iyo Itoobiya iyo guud ahaan gobolka, arrintaan si weyn ayey maanta u gorfeeyeen labada Madaxweyne ee Masar iyo Eritrea.

Warar laga baahiyey kulankii maanta ayaa xaqiijinaya in labada dal ay isku raaceen in si buuxda Soomaaliya loogu garab istaago ilaalinta madax-banaanida iyo wadajirkeeda dhuleed, waxayna ku balameen in Soomaaliya dhinac kasta uu u fidiyo garabka ay uga baahato.

Madaxweynaha Soomaaliya ayaa wada olole diblamaasiyadeed oo xooggan oo uu ku doonayo in uu meesha uga saaro heshiiska Somaliland iyo Itoobiya, madaxweynayaasha Masar iyo Eritrea ayaa ka mid ahaa madaxdii ugu horeysay ee Xasan Sheekh uu la kulmay.

Dalalka Masar iyo Eritrea waxaa Itoobiya kala dhaxeeya dagaal ahli, taasi waxay soo dedejisay inay deg deg garab istaag ugu muujiyaan Soomaaliya oo daandaansi cad kala kulmeysa Itoobiya oo raadineysa bad ay boobto.

Madaxweyne Al-Sisi ayaa 21-kii bishii Janaayo yiri “Masar uma dulqaadan doonto wax kasta oo khatar ku ah Soomaaliya iyo ammaankeeda” hadalkaas markii uu dhahayey waa garab taagnaa Madaxweyne Xasan Sheekh.

Xiisadda Soomaaliya iyo Itoobiya ayaa ku baahday gobolka Geeska Afrika, inta badan dalalka gobolkana waxay garab istaag u muujiyeen Soomaaliya, halka Itoobiya ay dareentay aqoonimo siyaasadeed, sidoo kale Turkiga ayaa ka mid ah dalalka awooda leh ee soo farogiyey xiisadaan, kaas oo heshiis difaac la saxiixday Soomaaliya.

{DAAWO MUUQAALKA} Hogaanka sare ee xisbiga kulmiye ayaa munaasibad Soo dhawayn ah u sameeyay Qurba jooga Somaliland

Sabti 27 July 2024 {HMC} Hogaanka sare ee xisbiga kulmiye ayaa munaasibad Soo dhawayn ah u sameeyay Qurba jooga Somaliland HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA

{DAAWO MUUQAALKA}WAR DEG-DEG AH: Waxaa la shaaciyay Xildhibanada golaha Deegaanka ee sadexda degmo ee gobolka Nugaal.

Sabti 27 July 2024 {HMC} WAR DEG-DEG AH: Waxaa la shaaciyay Xildhibanada golaha Deegaanka ee sadexda degmo ee gobolka Nugaal. HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA

WARARKA