Saturday, July 27, 2024
spot_imgspot_img

Masjidka ugu weyn, uguna quruxda badan Afrika oo xariga laga jaray

isniin-Feb-26-2024-{HMC} Aljeeriya ayaa furtay masaajid aad u weyn oo ku yaal xeebta Mediterranean-ka ka dib sannado badan oo kacdoono siyaasadeed ah oo mashruuca ka beddelay astaan awood dawladeed iyo diineed una beddelay mid dib u dhac ah iyo kharash badan.

Waxaa dhisay shirkad dhisme oo Shiinees ah, iyadoo la dhagax dhigay sanadkii 2010, Masjidka weyn ee Algiers waxa uu leeyahay minaaradda adduunka ugu dheer, oo cabbirkeedu dhan yahay 869 cagood (265 mitir).

Wuxuu noqonayaa Masjidka seddexaad ee ugu weyn adduunka iyo ee ka baxsan magaalooyinka barakeysan ee Islaamka, waxaana salaadda ku tukan kara markiiba 120,000 kun oo qof. Naqshadiisa casriga ah waxay ka kooban tahay mida Carabta iyo Waqooyiga Afrika.

Faafinta astaanta dhexdhexaadka ah ee Islaamka ayaa ahayd mudnaanta ugu weyn ee Algeria tan iyo markii ay ciidamada dowladdu jabiyeen fallaagada ay hoggaaminayeen Islaamiyiinta ilaa 1990-meeyadii markii dagaal sokeeye oo dhiig badan ku daatay uu dalka ka dhacay.

Madaxweynaha Aljeeriya Abdelmajid Tebboune ayaa furay masjidka, isagoo ka dhabeeyay ballan qaadkiisii ahaa inuu si wanagsan iyo xaalad wanaagsan ku furi doono. Masaajidku waxa uu u furan yahay dalxiisayaasha caalamiga ah ee taga Algeria.

Furitaanka masjidka ayaa ku soo aaday xili ay soo dhow dahay bisha barakeysan ee Ramadaan ee Muslimiinta, oo bilaabaneysa bisha soo socota ee Maarso 11-keeda

Kharashka rasmiga ah ee mashruuca lagu dhisay masaajidkan ayaa ahaa gaaaraya $898 milyan.

Masjidka ayaa markii hore ahaa mashruuc uu lahaa madaxweynihii hore ee dalkaasi Abdelaziz Bouteflika, kaasoo u qorsheeyay inuu noqdo kan ugu weyn Afrika. Waxa uu rabay in ay noqoto dhaxalkiisa oo uu ugu yeedhay “Masaajidka Abdelaziz Bouteflika” sida

Masjidka Hassan II ee Casablanca, Morocco. Masaajidkaas, oo loogu magacdaray Boqorkii hore ee Morocco.

{DAAWO MUUQAALKA} Hogaanka sare ee xisbiga kulmiye ayaa munaasibad Soo dhawayn ah u sameeyay Qurba jooga Somaliland

Sabti 27 July 2024 {HMC} Hogaanka sare ee xisbiga kulmiye ayaa munaasibad Soo dhawayn ah u sameeyay Qurba jooga Somaliland HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA

{DAAWO MUUQAALKA}WAR DEG-DEG AH: Waxaa la shaaciyay Xildhibanada golaha Deegaanka ee sadexda degmo ee gobolka Nugaal.

Sabti 27 July 2024 {HMC} WAR DEG-DEG AH: Waxaa la shaaciyay Xildhibanada golaha Deegaanka ee sadexda degmo ee gobolka Nugaal. HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA

WARARKA