Saturday, July 27, 2024
spot_imgspot_img

Muxuu yahay tartanka ay Soomaaliya ku matali doonaan kumaandoosta Danab

isniin-Feb-26-2024-{HMC} Sida ay baahisay bilowgii bishan Febraayo Majalada arimaha militariga ka waranta ee Dvidshub , Kenya ayaa marti galin doonta mid ka mida dhoolatuskii ugu weynaa ee Taliska Mareykanka ee Afrika uu ka fuliyo Bariga Afrika.

Waxa la sheegay in uu socon doono dhmaaadka bisha Febraayo ilaa bilowga bisha Maarso ee sanadkan.

Carbiskan ciidan oo ka dhacaya dalka Kenya, waxaa militaryga Soomaaliya uga qayb galaya ciidamo ka tirsan guutada kumaandoosta Danab, oo ah ciidan si gaara u tababaran kana mid ka ah ciidanka xooga dalka Soomaaliya sida uu  xaqiijiyey wasiir xigeenka warfaafinta ee Soomaaliya Cabdirixmaan Yuusuf Alcadaala.

‘‘Waxay tani muujinaysaa in ciidanka xoogga dalka Soomaaliyeed uu maqaamkoodu kor u kacay, ayna hadda si la mida sida dhigagooda aduunka ay u dhaqmaan, oo ay u socdaan waa wax horumara” ayuu yiri wasiir Cadaala.

Dhoolatuskan waxaa hogaaminaya ciidamada Maraykan ee US Army Southern European Task Force, Africa (SETAF-AF), kaas oo sanadkan kulmin doona ilaaa kun askari oo ka kala socda dalalka ka qayb galaya, sida uu sheegay wasiirka warfaafinta ee Soomaaliya.

Cutubyo ka tirsan ciidanka militariga Soomaaliya ayaa ka qayb galaya laylis ciidan oo ay ka dhacaya meel ka baxsan dalka.

Wasiir, Cadaala wuxuu uu sheegay in si weyn loo diyaariyey ciidanka Soomaaliya ugu qayb galaya dhoolatuska, kuwaas oo sheegay in laga sagootiyey dalka si ay waajibaadkaas uga qayb galaan.

‘‘Dabcan waa ciidan xirfad sare leh oo xirfadooda lagu xulay oo si fiican loo diyaariyey, sidoo kale si fiican ayaa loo sagootiyey si fiicana waa loola dardaarmay, ciidan khibradooda, akhlaadooda, muuqaalkooda intaba magaca Soomaaliyeed iyo dalkaba matali kara weeye, una diyaarsan xifradaha iyo khibraha militari ee looga baahan yahay,” ayuu intaas ku daray wasiir Cadaala.

Waxay warbixintu sheegtay in laylisku ka dhici doono xarunta Nanyuki ee La-dagaalanka Kacdoonada, Argagaxisada iyo Hawlgallada Xasilinta (CITSO), halkaas oo ciidanka difaaca Kenya ay martigelin doonaan layli tababar goobeed oo caalami ah – tababaro hawlgal oo magaalo ah.

“Heshiiska wuxuu muujinayaa rabitaanka Mareykanka iyo wadamada saaxiibka ah si ay u kordhiyaan diyaargarowga iyo wadashaqeynta marka ay timaado amniga gobolka iyo ka jawaabstaa xasaradaha,” ayuu yiri F. Austin Blessard, madaxa dhoolatuse ee SETAF-AF.

Dhowr cutub oo ka kala socda qaybaha ciidamada Maraykanka ayaa layliga kala qayb galaya.Ciidamo ka socda Ingiriiska ayaa iyana si ay khibrad iyo xeeladeed siin doona koox ka kala socota dalalka Kenya, Djibouti, Somalia iyo Tanzania ayaa lagu yiri warbixinta.

Maxay yihiin ciidanka Danab ee Soomaaliya uga qayb galaya dhoolatuska?

Danab waa kumaandooskii ugu horraysay ee Soomaaliya ay yeelato tan iyo markii ay burburtay dowladdii dhexe ee dalka, sannadkii 1991.

Dowladda Mareykanka ayaa bishii Oktoobar ee sannadkii 2013-kii billowday tababarka ciidamada Danab, waxaana xilligaas lagu bilaabay hurin 105 askari ahayd.

Sida saraakiil dowladda ah laga soo xigtay ay sheegeen, ujeeddada loo sameeyay ciidanka ee xilligaas waxay ahayd in la hirgeliyo ciidan isku dhafan oo kumaandoos ah, waxaana lagu asaasay saldhigga ciidamada cirka ee Belidogle ee degmada Wanlwaweyn ee gobolka Shabeelaha Hoose.

Ciidamadii ugu horreeyay ee Danab waxay tababarka dhameysteen sannadkii 2014-kii.

Sida ay sheegeen saraakiil Danab ka mid ahayd, askeriga ku biiraya ciidanka Danab, waxaa la marsiiyaa baaritaan qoto-dheer oo lagu ogaanayo shakhsiyaddiisa, gaar ahaan in uu horay usoo noqday ciidan, in uu dembi soo galay iyo inkale, in uu mar uun ka mid noqday kooxaha Islaamiyiinta ah, in uu ku lug lahaa xadgudub dhanka xuquuqda aadanaha ah iyo waxyaabo kale oo lagu hubinayo askariga tayadiisa.

Kumaandooska Danab waxaa saldhigga Balidogle ku tababara ciidamada Mareykanka ee ku sugan goobtaas, kana tirsan taliska ciidamada Mareykanka ee Africa.

Sidoo kale saraakiisha kumandoosta Danab, gaar ahaan kuwa hogaamiya dagaalka ayaa lagu soo tababaraa dalal dibadda ah oo Mareykanka uu ka mid yahay, halkaas oo ay ku soo qaataan tababarro dheeraad ah oo la xiriira hoggaaminta ciidanka xilliyada dagaalka.

{DHAGEYSO} Warka Habeenimo ee Warbaahinta Hiiraanweyn {26.07.2024}

Jimco 26 July 2024 {HMC} Dhageystayaal halkan waxa aan idiin kugu soo gudbi neynaa Warka habeenimo ee Warbaahinta Hiiraanweyn Warka waxaa soo jeedinayo ::Abdirahman Maclin...

{DAAWO MUUQAALKA} Madaxweyne Dabageed oo Hal Arin ka Dalbaday dadka ku Nool Degmada Moqokori.

Jimco  26 July 2024 {HMC}  Madaxweyne Dabageed oo Hal Arin ka Dalbaday dadka ku Nool Degmada Moqokori. HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA…

WARARKA