Saturday, July 27, 2024
spot_imgspot_img

Nin iyo haweeney walaalo ah oo si arxan daran u dilay ganacsade caan ahaa

isniin-Feb-26-2024-{HMC} Dhacdo argagax leh ayaa galabta mar kale ka dhacday suuqa degmada Wadajir ee magaalada Muqdisho, kadib markii gabar ganacsato ah ay Toorey ku dishay ganacsade kale oo deris la ahaa.

Maxamed Axmed Cabdiraxmaan (Biriq) ayaa lagu magacaabaa ganacsadaha la dilay, waxaana la sheegay inay isku dhaceen haweeney deris la aheyd oo ganacsato kale ah, khilaafka labada qof ayaa soo jiray maalmo badan.

Ganacsade Maxamed Biriq oo dacwo ka ah haweeneyda galabta Tooreyda ku dishay ayaa la sheegay in maalmo ka hor uu tegay saldhigga booliska degmada Wadajir isagoo dacwo ah, booliska ayaa ku soo baxay khilaafkaas, waxayna isku dayeen inay xaliyaan.

Haweeneyda ayaa galabta u yeeratay walaalkeed, kaas oo u soo gurmaday walaashiis, gacmahana ka qabtay ganacsade Maxamed Biriq, iyadoo wadata Toorey ayaa la sheegay inay la dhacday ninkii ilaa uu ka geeriyooday, sida ay  sheegeen dad goobjoogayaal ah.

Ehellada marxuumka oo warbaahinta la hadlay ayaa sheegay in hadda la hayo oo gacanta booliska ay ku jiraan labadii walaal ee dilay marxuumka, kuwaas cadaalad sugayaal ah.

Sidoo kale, ehellada ayaa galabta cadeeyey in meydka aysan aasa doonin ilaa cadaalad ay ka helaan, isla markaana ay geliyeen qaboojiyaha Isbitaalka Madiina.

Dilalka noocaan ayaa maalmahaan ku batay Muqdisho, sidoo kale waxaa badan dadka is dilay ee aan la aasin ee weli ku jira qaboojiyaha, kuwaas oo lala sugayo in lala aaso qofkii dilay, Luul Cabdicasiis oo ninkeedii uu dilay ayaa ka mid ah meydadka weli ku jira qaboojiyaha.

Dhawaan waxay ehelkiisu aasteen macalin iskuul oo muddo 11 cisho ah qaboojiye ku jiray, balse waxaa baxsaday oo la waayey ninkii dilay, halka maxkamadeynta ninkii gubay Luul Cabdicasiis maanta loo fadhiyey, welina aan go’aan laga gaarin xukunkiisa.

{DAAWO MUUQAALKA} Hogaanka sare ee xisbiga kulmiye ayaa munaasibad Soo dhawayn ah u sameeyay Qurba jooga Somaliland

Sabti 27 July 2024 {HMC} Hogaanka sare ee xisbiga kulmiye ayaa munaasibad Soo dhawayn ah u sameeyay Qurba jooga Somaliland HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA

{DAAWO MUUQAALKA}WAR DEG-DEG AH: Waxaa la shaaciyay Xildhibanada golaha Deegaanka ee sadexda degmo ee gobolka Nugaal.

Sabti 27 July 2024 {HMC} WAR DEG-DEG AH: Waxaa la shaaciyay Xildhibanada golaha Deegaanka ee sadexda degmo ee gobolka Nugaal. HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA

WARARKA