Saturday, July 27, 2024
spot_imgspot_img

Askari doonayay ‘in uu dilo aabiihiis’ oo la toogtay

Talaado-Feb-27-2024-{HMC} Faahfaahino dheeraad ah ayaa kasoo baxaya toogasho maanta lagu dilay askari dil iyo dhac ka gaystay degmada Wanlaweyn ee gobolka Shabeelaha Hoose, isla markaana halis ku ahaa qoyskiisa, gaar ahaan aabihiis.

Guddoomiyaha degmada Wanlaweyn Idiris Maxamed Cumar oo la hadlay warbaahinta ayaa ka warbixiyay falkaasi, wuxuuna sheegay in ninkan uu dhibaato ku ahaa degmada, ugu dambeyntiina lagu soo dilay howlgal ay qaadeen ciidamada ammaanka, kadib markii uu la dagaalamay askarigaasi.

“Nin gacan ku dhiigle ah ayaan howlgal kusoo dilnay, ninkaas wuxuu ahaa nin khatar ku ahaa magaalada oo dhibaato ku haayay” ayuu yiri guddoomiye Idiris Maxamed Cumar

Waxaa kale uu yiri “Ninka waxa uu ahaa nin aad u tababaran oo milatari ah 40 daqiiqo ayuu 50 askari la dagaalamay, wuxuu u galay meel god ah, laakiin ugu dambeyn waa la dilay”.

Sidoo kale wuxuu sheegay in ninkaasi uu magaalada duleedka ku dilay wiil ay ilmo adeer ahaayeen, uuna ka qaatay qoraygiisa, sidoo kalena uu dhac ka gaystay Wanlaweyn.

“Magaalada ayuu dhac ka gaystay, kadib banaanka ayuu u baxay, isaga oo dilay wiil kale oo ay ilmo adeer yihiin, haddane wuxuu damcay inuu magaalada kusoo noqdo oo uu dil kale gaysto” ayuu mar kale yiri Idiris Maxamed Cumar.

Guddoomiyaha ayaa sidoo kale sheegay in ninkan uu halis ku ahaa qoyskiisa, gaar ahaan aabihiis oo uu sheegay inay ka badbaadiyeen, ugu dambeyna ay ku wareejiyeen maydkiisa.

“Aabihiis iyo waalidkii ayaa noogu yimid degmada oo waxaan wada joognay saldhiga waayo odeygu wuxuu yiri inta ma dhaafi karo ninkaan haddii uu i arko wuu i dilaayaa nin caasi ah waayay, aniga inta ma ka baxaayo anne halay xiro si kale kuma badbaadaayo” ayuu raaciyay.

Waxaa kale oo uu kusii daray “Maydka waxaan ku wareejinay aabihiis, waxaana gacanta lagu hayaa qoraygiisii iyo qoray kale oo uu lahaa ninka uu dilay”.

{DHAGEYSO} Warka Habeenimo ee Warbaahinta Hiiraanweyn {26.07.2024}

Jimco 26 July 2024 {HMC} Dhageystayaal halkan waxa aan idiin kugu soo gudbi neynaa Warka habeenimo ee Warbaahinta Hiiraanweyn Warka waxaa soo jeedinayo ::Abdirahman Maclin...

{DAAWO MUUQAALKA} Madaxweyne Dabageed oo Hal Arin ka Dalbaday dadka ku Nool Degmada Moqokori.

Jimco  26 July 2024 {HMC}  Madaxweyne Dabageed oo Hal Arin ka Dalbaday dadka ku Nool Degmada Moqokori. HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA…

WARARKA