Saturday, July 27, 2024
spot_imgspot_img

{DAAWO SAWIRADA} Aadan Madoobe oo Xafiiskiisa ku qaabilay Dawladda Qatar

Talaado-Feb-27-2024-{HMC} Guddoomiyaha Golaha Shacabka Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur {Madoobe} ayaa maanta Xafiiskiisa Villa Hargeysa ku qaabilay danjiraha Dawladda Qatar u fadhiya Soomaaliya Amb. Dr. Abdalla bin Salim Al Nuceymi.

Kulanka Guddoomiye Sheekh Aadan iyo danjiraha dowladda Qatar ayaa looga hadlay arrimo dhowr ah ay kamid ahaayeen xoojinta xiriirka u dhaxeeya labada baarlamaan iyo wadashaqeyntooda.

Sidoo kale kulanka waxaa looga hadlay sidii dowladda aan walaalaha nahay ee Qatar ay kaalin uga qaadan laheyd aqoon kororsiga xildhibaanada iyo howl-wadeennada Golaha Shacabka, waxaana uu Guddoomiyuhu xusay in dowladda iyo shacabka Qatar ay kaalin weyn ka soo qaateen dib u dhiska dalka.

Dalka Qatar ayaa kamid ah dowladaha Carbeed ee Soomaaliya sida weyn u taageera, waxa ayna Qatar Soomaaliya ka fulisay mashaariic badan, iyada oo sidoo kale dowladda dhinacyo kala duwan ka taageerto.

{DHAGEYSO} Warka Habeenimo ee Warbaahinta Hiiraanweyn {26.07.2024}

Jimco 26 July 2024 {HMC} Dhageystayaal halkan waxa aan idiin kugu soo gudbi neynaa Warka habeenimo ee Warbaahinta Hiiraanweyn Warka waxaa soo jeedinayo ::Abdirahman Maclin...

{DAAWO MUUQAALKA} Madaxweyne Dabageed oo Hal Arin ka Dalbaday dadka ku Nool Degmada Moqokori.

Jimco  26 July 2024 {HMC}  Madaxweyne Dabageed oo Hal Arin ka Dalbaday dadka ku Nool Degmada Moqokori. HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA…

WARARKA