Saturday, July 27, 2024
spot_imgspot_img

Dacwada loo haysto Sayid Cali oo lasoo gaba-gabeeyey iyo xukunka oo lagu dhawaaqayo…

Talaado-Feb-27-2024-{HMC} Maxkamadda gobolka Banaadir ayaa shalay soo gaba-gabeysay dhageysiga dacwada loo heysto eedeysane Sayid Cali Macallin Daa’uud oo ku eedeysanaa in uu gubay Xaaskiisa Alle ha u naxariiste Luul oo u dhimatay dhaawacii kasoo gaaray.

Marqaatiyaal uu keenay xafiiska xeer ilaaliyaha guud ee qaranka ayaa la horkeenay maxkamadda, kuwaasi oo ka jawaabay wixii ay goobjoog u ahaayeen ama maqleen ee la xiriira kiiskaan xasaasiga ah.

Maxkamadda ayaa dhageysatay oo su’aalo waydiisay Sayid Cali Macallin Daa’uud, waxa uuna sheegay in xaaskiisa sababta uu u gubay inay tahay maseer darteed, islamarkaana murankii ka dhashay uu keenay dabka in uu qabad siiyo guriga balse waxaa uu ku dooday ujeedkiisu in uusan aheyn in uu dilo xaaskiisa.

Sayid ayaa isaga oo ka jawaabaya mid ka mid ah su’aalaha ay maxkamadda weydiisay ayaa waxa uu sheegay inuu jeclaa xaaskiisa Allaha u naxariiste, uuna soo dhex-galay muran galaaftay nolosheeda, isagoo ku cel-celiyay in uusan kas u dilan, sida uu maxkamadda kahor sheegay.

”Xaaskeyga waan jeclahay, waxaan na dhexmaray muran, waxaa ay igu tiri nin kale ayaan guursanaya ee iska keey fur anna waan xanaaqay nafto ayaan soo gatay, waana ku gubay qol alaabta taalay ayada ayaana gashay dabka lakiin jn aan badbaadiyo ayaan isku dayay.”

Xeer ilaaliye ku-xigeen Yaxye Maxamuud Saciid oo soo gaba-gabeeyay doorka xafiiska ee dacwad oogista ayaa ka codsaday maxkamadda in lagu xukumo dil toogasho ah oo ah qisaasta Luul Cabdicasiis.

“Waxaan Maxkamadda ka codsanayaa in dil toogasho ah ku xukunto, kaasi oo ah qisaasta Luul Cabdicasiis,” ayuu yiri Yaxye Maxamuud Saciid oo ah Xeer ilaaliye ku-xigeenka.

Abuukaate Xalane oo ah qareenka difaacayay eedeysanaha, ayaa dhankiisa qaba in uusan dambiile aheyn Sayid Cali, islamarkaana uusan galin dambiga loo maxkamadeynayo, sida uu maxkamadda kahor sheegay.

”Madaama aysan jirin cid si dhab ah u cadeyn karta, Luul ayada ayaa is-gubtay, waxaana codsanayaa in eedda xafiiska ceer ilaaliyaha la bur-buriyo,” ayuu yiri qareenka u doodaya Sayid Cali.

Ugu dambeyntiina guddoomiyaha maxkamadda gobolka Banaadir Saalax Cali Maxamuud Sabaan ayaa sheegay in dacwadda uu soo gaba-gabeeyay xukunkana ay dhawaan soo saari doonto maxkamadda.

“Maanta waxaan soo xirnay gal dacwadeedka sumadiisa tahay, 147/2024, waxaana dhawaan soo saari doona xukunka go’aanka maxkamadda,” ayuu yiri guddoomiye Saalax Sabaan.

Maxkamadda ayaa waxaa shalay soo xaadiray boqolaal qof oo daneynayay sida kiiskan xasaasiga ah ay dacwaddiisa u socoto iyo weliba eheladda Luul, ayada oo warbaahinta toos looga daawanayay.

{DHAGEYSO} Warka Habeenimo ee Warbaahinta Hiiraanweyn {26.07.2024}

Jimco 26 July 2024 {HMC} Dhageystayaal halkan waxa aan idiin kugu soo gudbi neynaa Warka habeenimo ee Warbaahinta Hiiraanweyn Warka waxaa soo jeedinayo ::Abdirahman Maclin...

{DAAWO MUUQAALKA} Madaxweyne Dabageed oo Hal Arin ka Dalbaday dadka ku Nool Degmada Moqokori.

Jimco  26 July 2024 {HMC}  Madaxweyne Dabageed oo Hal Arin ka Dalbaday dadka ku Nool Degmada Moqokori. HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA…

WARARKA