Saturday, July 27, 2024
spot_imgspot_img

Dil ka dhacay magaalada Gaalkacyo iyo Faah Faahino dheeraad ah oo kasoo baxaya

Talaado-Feb-27-2024-{HMC} Kooxo hubeysan ayaa xalay xaafad katirsan waqooyiga magaalada Gaalkacyo ee Puntland waxa ay ku dileen nin dhallinyaro ah oo kamid ahaa dadka deegaanka, xilli la sheegay in ay ka dhacayeen moobeel uu watay.

Dadka deegaanka ayaa ku waramay in burcada hubeysan ay rasaas la dhaceen Cabdiraxmaan Rooble oo ahaa nin dhallinyaro ah, kaa oo la sheegay in uu isku dhajiyay telfoonkii burcada ka dhaceysay.

Dilka kaddib ayaa la sheegay in goobta ka baxsadeen kooxdii burcada aheyd ee dilka geesatay, ciidamada ammaanka wawooyiga magaalada Gaalkacyo oo howlgal ka sameeyay aagga dilka ka dhacay ayaana ku guul dareestay soo qabashada kooxdii dilkaasi fulisay.

Magaalada Gaalkacyo qeybta Puntland ayaa mararka qaar waxaa ka dhaca dilal ay geestaan kooxo maleeshiyaad ah oo dadka dhac u geesta, waxaana adag in lasoo qabto kooxahaasi dadka shacabka ah dhibaatada u geesta.

{DHAGEYSO} Warka Habeenimo ee Warbaahinta Hiiraanweyn {26.07.2024}

Jimco 26 July 2024 {HMC} Dhageystayaal halkan waxa aan idiin kugu soo gudbi neynaa Warka habeenimo ee Warbaahinta Hiiraanweyn Warka waxaa soo jeedinayo ::Abdirahman Maclin...

{DAAWO MUUQAALKA} Madaxweyne Dabageed oo Hal Arin ka Dalbaday dadka ku Nool Degmada Moqokori.

Jimco  26 July 2024 {HMC}  Madaxweyne Dabageed oo Hal Arin ka Dalbaday dadka ku Nool Degmada Moqokori. HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA…

WARARKA