Wednesday, April 24, 2024
spot_imgspot_img

Gabadha Madaxweynaha Kenya oo Codsatay in loogu Duceeyo Nin iyada Guursado iyo Hadal keyn ka dhalatay 

Talaado  27 Feb, 2024 {HMC} Duco Alle looga baryayo inuu nin siiyo Charlene Ruto oo ah gabadha uu dhalay madaxweynaha Kenya, William Ruto, ayaa waxay dalka ka dhalisay falcelin badan oo dhanka Internetka ah.

 

Ms Ruto waxa ay ka mid ahayd kumannaan qof oo ka qayb galay kulan baryo-wadareed ah oo uu baadariga Maraykanka Benny Hinn ku qabtay dhammaadkii todobaadkii hore magaalada caasimadda ah ee Nairobi.

Madaxweynaha dalka, William Ruto iyo marwada koowaad ee dalka iyo sidoo kale madaxweyne ku xigeenka dalka Rigathi Gachagua iyo xaaskiisa Dorcas ayaa sidoo kale goob joog ka ahaa.

Sida baadarigu codsaday kuwa leh codsiyada ducada gaarka ah inay soo baxaan, inanta madaxweynaha ayaa kacday.

Wadaadkii ayaa u duceeyey oo markii dambe weydiiyey haddii ay jiraan codsiyo gaar ah. Inta aanu ducada sii wadin ayay dhegta wax ugu sheegtay:

Eebow sii nin u oofin doona baaqaas. Rabbiyow u soo dir ninkaas dhallinyarada ah dhankeeda, kaas oo u noqon doona xoog iyo taageere weyn,” Benny Hinn ayaa sidaas ugu duceeyay.

“Arrintan keligeed ma samayn karto, Rabbiyow, waxay aadaysaa goobta dagaalka si ay nolol u kasbato… waxay u baahan tahay nin in ay si dhaqso ah u hesho.”

Ducadan ninka loo baryay gabadha madaxweynaha ayaa dadka Kenyaanka ah ay hadal hayeen -qaar baa dhaleecaynayay,qaar baa u soo diray codsiyo guur, qaarna way ku jeesjeeseen.

{DHAGEYSO} Warka Habeenimo ee Warbaahinta Hiiraanweyn 23-04-2024

Talaado-23-April-2024 {HMC} Dhageystayaal halkan waxa aan idiin kugu soo gudbi neynaa Wark Habeenimo ee Warbaahinta Hiiraanweyn. Warka waxaa soo jeedinayo :: Abdiqani Osoble Farsamadii :: Mohamed...

{DAAWO MUUQAALKA} Taliyaha Ciidanka lugta XDS oo gaaray Buuloburde ayaa fariin u diray kumaandooska Gor-gor

Talaado-23-April-2024 {HMC} Taliyaha Ciidanka lugta XDS oo gaaray Buuloburde ayaa fariin u diray kumaandooska Gor-gor HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA https://youtu.be/zYa4FljPztw  

WARARKA