Saturday, July 27, 2024
spot_imgspot_img

Gabar uu dhalay Madaxweyne Ruto oo codsatay in loo Duceeyo kadib markiii……..

Talaado-Feb-27-2024-{HMC} Duco Alle looga baryayo inuu nin siiyo Charlene Ruto oo ah gabadha uu dhalay madaxweynaha Kenya, William Ruto, ayaa waxay dalka ka dhalisay falcelin badan oo dhanka Internetka ah.

Ms Ruto waxa ay ka mid ahayd kumannaan qof oo ka qayb galay kulan baryo-wadareed ah oo uu baadariga Maraykanka Benny Hinn ku qabtay dhammaadkii todobaadkii hore magaalada caasimadda ah ee Nairobi.

Madaxweynaha dalka, William Ruto iyo marwada koowaad ee dalka iyo sidoo kale madaxweyne ku xigeenka dalka Rigathi Gachagua iyo xaaskiisa Dorcas ayaa sidoo kale goob joog ka ahaa.

Sida baadarigu codsaday kuwa leh codsiyada ducada gaarka ah inay soo baxaan, inanta madaxweynaha ayaa kacday.

Wadaadkii ayaa u duceeyey oo markii dambe weydiiyey haddii ay jiraan codsiyo gaar ah. Inta aanu ducada sii wadin ayay dhegta wax ugu sheegtay:

Eebow sii nin u oofin doona baaqaas. Rabbiyow u soo dir ninkaas dhallinyarada ah dhankeeda, kaas oo u noqon doona xoog iyo taageere weyn,” Benny Hinn ayaa sidaas ugu duceeyay.

“Arrintan keligeed ma samayn karto, Rabbiyow, waxay aadaysaa goobta dagaalka si ay nolol u kasbato… waxay u baahan tahay nin in ay si dhaqso ah u hesho.”

Ducadan ninka loo baryay gabadha madaxweynaha ayaa dadka Kenyaanka ah ay hadal hayeen -qaar baa dhaleecaynayay, qaar baa u soo diray codsiyo guur, qaarna way ku jeesjeeseen.

{DHAGEYSO} Warka Habeenimo ee Warbaahinta Hiiraanweyn {26.07.2024}

Jimco 26 July 2024 {HMC} Dhageystayaal halkan waxa aan idiin kugu soo gudbi neynaa Warka habeenimo ee Warbaahinta Hiiraanweyn Warka waxaa soo jeedinayo ::Abdirahman Maclin...

{DAAWO MUUQAALKA} Madaxweyne Dabageed oo Hal Arin ka Dalbaday dadka ku Nool Degmada Moqokori.

Jimco  26 July 2024 {HMC}  Madaxweyne Dabageed oo Hal Arin ka Dalbaday dadka ku Nool Degmada Moqokori. HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA…

WARARKA