Saturday, July 27, 2024
spot_imgspot_img

Howlgallo culus oo Maanta ka dhacay aagga Magaalada camaara ee koofurta Mudug

Talaado-Feb-27-2024-{HMC}  Warar kala duwan ayaa kasoo baxaya howlgallo culus oo maanta ka socda aagga magaalada Camaarka ee koonfurta gobolka Mudug, kuwaas oo ay iska kaashanayaan ciidamada Xoogga dalka Soomaaliyeed iyo kuwa dadka deegaanka.

Howlgallada ayaa xoogooda waxa ay ka socdaan inta u dhexeysa deegaanada Camaara iyo Caad, halkaas oo ay weeraro kasoo abaabulaan xubnaha kooxda AS

Saraakiil ka tirsan milatariga Soomaaliya ayaa sheegay in ujeedka uu yahay ka hortegga weerarada AS kasoo qaadaan halkaasi, kuwaas oo u badan hoobiyeyaal.

Sidoo kale waxa ay saraakiisha intaasi kusii dareen inay ka war hayaan meelaha ku dhuumaaleysanaan AS balse ay soo afjari doonaan.

Xaaladda ayaa haatan ah mid aad u kacsan, waxaana dhaq-dhaqaaqyo iska soo horjeedo laga dareemayaa qaybo badan oo kamid ah gobolka Mudug ee bartamaha Soomaaliya.

Dhanka kale ma jiro wax hadal ah oo kasoo baxay dhinaca kooxda AS oo ku aadan dhaq-dhaqaaqyada ciidan ee laga dareemayo halkaasi.

Gobollada Dhexe ayaa waxaa haatan ka socda guluf ay iska kaashanayaan dowladda, Galmudug iyo dadka deegaanka, kuwaas oo dhul ballaaran looga saaray AS

{DHAGEYSO} Warka Habeenimo ee Warbaahinta Hiiraanweyn {26.07.2024}

Jimco 26 July 2024 {HMC} Dhageystayaal halkan waxa aan idiin kugu soo gudbi neynaa Warka habeenimo ee Warbaahinta Hiiraanweyn Warka waxaa soo jeedinayo ::Abdirahman Maclin...

{DAAWO MUUQAALKA} Madaxweyne Dabageed oo Hal Arin ka Dalbaday dadka ku Nool Degmada Moqokori.

Jimco  26 July 2024 {HMC}  Madaxweyne Dabageed oo Hal Arin ka Dalbaday dadka ku Nool Degmada Moqokori. HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA…

WARARKA