Monday, October 14, 2024
spot_imgspot_imgspot_img

Madaxweynaha Somaliland oo Waji Gabax lakulmaya kadib Hasheeskii uu Lagalay Abiy Ahmed.

Talaado-Feb-27-2024-{HMC}  Somaliland ayaa ku dhex luntay Muqdisho iyo Addis Ababa tan iyo 1-dii Janaayo ee sanadkaan, markaas oo hoggaamiyaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi uu heshiis la galay ra’iisul wasaaraha Itoobiya Abiy Axmed.

Heshiiskaas oo Hargeysa isku deyday inay ku bixiso qeyb kamid ah biyaha Soomaaliya. Maalintii uu heshiiska dhacay kadib mowduuca wuxuu isku beddelay Itoobiya iyo Soomaaliya ama labada dowladood ee fadhiya Muqdisho iyo Addis Ababa.

Dowladdaha caalamka ee heshiiskan ka hadlaya ama saxaafadda faaqideysa waxay dhamaan ka hadlayaan madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud iyo Abiy Axmed. Halkan kuma jiraan Muuse Biixi ama Somaliland.

Mareykanka marka ay ka hadlayeen heshiiskan, waxay sheegeen in gobolka Waqooyi ee Soomaaliya ee hadda loo yaqaano Somaliland inuu weli ka tirsan yahay Soomaaliya, qadiyadda badduna ay ka dhaxeyso Soomaaliya iyo Itoobiya.

Si lamid ah waxa intaasi yiri Midowga Afrika, Jaamacadda Carabta, Midowga Yurub iyo dowladaha waaweyn ee ka hadlay heshiiskan.

Illaa hadda majiro dal heshiiskan waxyar oo taageero ah u muujiyay, Itoobiyana wuxuu ka lumiya garbihii siyaasadda arrimaha dibadda.

Marka laga hadlayo heshiiskan, sababta uusan caalamka usoo hadal qaadeyn Somaliland waa sharciyadda. Adduunka gobol waa kaalmeyn karaa, laakiin marka ay timaado qadiyaddaha sidan u waaweyn waxay istaagan boos u qalma dowlad ahaantooda, oo aan dhaawaceyn sharciyadda qoran ee caalamka.

Lama fileynin heerka fal-celinta ee Soomaaliya. Muqdisho ma aanay daahin diidmadeeda. Taas oo dib u durjisay dalalkii laga yaabi lahaa inay Itoobiya taageero u muujiyaan.

Muuse Biixi inkasta uu dhowr jeer ka hadlay heshiiska uu saxiixay ee muranka badan dhaliyay, haddana dhamaan dalalka daneynaya mowduucan marna ma xiggan hadalka Biixi, mana soo hadal qaadin, taasi oo dharbaaxo ku dhufatay maamulkan 33 sano raadinayay inay aduunyadda aqoonsato.

Madaxweyne Xasan Sheekh wuxuu taas caksigeeda kor usoo kacay dhowr darajo xagga siyaasadda arrimaha dibadda, wuxaa kale oo uu keenay dowladdo waaweyn oo heegan u ah inay Soomaaliya waqtiga adag garab istaagan. Waxaa kamid ah Turkiga.

Inkasta oo Ankara aanay hadda u xaydneyn inay dagaal la gasho Itoobiya, haddana heshiiska ayaa ilaalin faraya, Soomaaliya-na inta la jiitamayo waxay dhisan kartaa ciidan baddeed, iyada oo hub fiicana u heli karta, maadaama laga qaaday cuna-qabateyntii hubka.

Dhawaan wareysi uu bixiyay madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud oo uu siiyay Wakaaladda wararka ee Reuters ayuu ku sheegay inuu dalkiisa is-difaaci doono haddii ay Itoobiya isku deydo inay xoog ku dhaqan-galiso heshiiskan, taasi oo hordhac u ah inuu dagaal saddexaad dhex-mari karo labada dal, haddii Addis Ababa tijaabiso inay xoog ku qaadan karto biyaha deegaanada Saylac iyo Lughaya ee Waqooyiga Soomaaliya.

WARARKA