Saturday, July 27, 2024
spot_imgspot_img

Maxaa ka Jira in Wiil Dhalinyaro ah uu Sun u Cabay Jaceyl Dartiis Degmada Jalalaqsi?

Talaado-Feb-27-2024-{HMC}  Waxaa Xaaladiisa Caafimaad Lagula Tacaalayaa Isbitaal ku yaalla Degmada Jalalaqsi ee Gobolka Hiiraan Cadoow Ciise Xasan oo 24 Sano jir ah kaasi oo Shalay Sun ku cabay Gudaha Degmadaasi.

Cadoow Sababta ugu weyn ee Sunta u Cabay ayaa aheed in Eheladiisa uu ka socdaday in loo doono Gaber uu kala dhaxeeyay Xariir Jaceyl. Ehalada ayaa u sheegay in dhowr bil kadib loo dooni doono, intaasi kadib Cadoow ayaa diiday arintaasi, waxaana Soo gatay Sunta {Dooliga} kaasi oo ugu Dambeeyn uu cabay.

Xaalad Qatar ah Asiga oo ku jiro ayaa waxaa loosoo qaaday Isbitaalka Gacal hospital oo Degmadaasi ku yaalla. Dhaqaatiirta iyo Kalkaalilyaasha Caafimaadka ayaa la tacaalay Cadoow oo ku jiray Xaalad Miir la’aan ah.

Dr Maxamed farax Cabdi kumaga dheer (Dr Aariz) oo kamid ah Dhaqaatiirta Isbitaalka Ayaa sheegay in Xaalada Cadoow Ciise ay hada tahay Mid Soo Hagaageyso, kadib Baxnaano badan uu isbitaalka usameeyay.

Waxaa uu sheegay in laga soo dhaqay dhamaan Sunta Gudaha ku jirtay oo dhan, intaasi kadib Xaaladiisa ay hada tahay Mid wanagsan. Dr ayaa sheegay in Waalidiinta ay kala hadleeyn Sidii loogu guurin lahaa Cadoow Ciise Gabertaasi, madaama uu Naftiisa Qatar galiyay.

 

{DHAGEYSO} Warka Habeenimo ee Warbaahinta Hiiraanweyn {26.07.2024}

Jimco 26 July 2024 {HMC} Dhageystayaal halkan waxa aan idiin kugu soo gudbi neynaa Warka habeenimo ee Warbaahinta Hiiraanweyn Warka waxaa soo jeedinayo ::Abdirahman Maclin...

{DAAWO MUUQAALKA} Madaxweyne Dabageed oo Hal Arin ka Dalbaday dadka ku Nool Degmada Moqokori.

Jimco  26 July 2024 {HMC}  Madaxweyne Dabageed oo Hal Arin ka Dalbaday dadka ku Nool Degmada Moqokori. HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA…

WARARKA