Saturday, July 27, 2024
spot_imgspot_img

Odayaasha beesha uu ka dhashay oo war yaab leh ka soo saaray kiiska wiilkoodii gabadha gubay

Talaado-Feb-27-2024-{HMC} Odayaasha dhaqanka beesha reer Xaaji Saleebaan ee Habargidir oo maanta shir jaraa’id ku qabtay magaalada Cadaado ee gobolka Galgaduud ayaa sheegay inay cadaalad la xiriirta kiiska Sayid-cali Macalin Daa’uud ka dalbanayaan maxkamadda gobolka Banaadir.

Odayaasha ayaa mid mid warbaahinta ula hadlay, waxayna dhaliil ka muujiyeen hanaanka loo qaadayo dacwadda kiiska dilkii Luul Cabdicasiis oo lagu eedeynayo seygeedii Sayid-cali Macalin Daa’uud.

“Cabasho ayaan nahay, maxkamadda gobolka waxaan aragnaa in aysan dhexdhexaad aheyn, wiilkeena waxaan cadaaladda u horgeynay in cid kasta ay cadaalad hesho, maxkamadda gobolka cadaalad kama dhex-muuqato,” ayuu yiri mid ka mid ah odayaasha Saleebaan.

Odayaasha Beesha Saleebaan ayaa sheegay inay aad ula yaabeen marqaatiyaasha la hor keenay maxkamadda, kuwaas oo sida ay sheegeen aan goobjoog aheyn goobtii uu falkaasi ka dhacay.

Sidoo kale waxay odayaashu sheegeen inay la yaabeen carruurta aan qaan-gaarin ee marqaatiga loo horkeenay maxkamadda, iyagoo muujiyey saluug ay ka qabaan cadaaladda ay ka heli karaan maxkamadda gobolka Banaadir.

Odayaasha Saleebaan ayaa maxkamadda ku eedeeyey inay ku dhaqmeyso waaqiciga bulshadu la joogto baraha bulshada, balse aysan muujineyn qibrad ay kiiskaan ku maarey karto, sida ay hadalkooda u dhigeen.

Ugu dambeyntii odayaasha beesha Saleebaan, waxay maxkamadda ka codsadeen inay cadaaladda fuliso oo dhinac aysan u hiilin, waxay ku doodeen inay cadaalad u rabaan gabadhii la gubay iyo ninka ku eedeysan inuu gubay, balse waxay cadeeyeen in sida wax uga socdaan maxkamadda aysan ku qanacsaneyn.

Suldaanka guud ee beesha Saleebaan Suldaan Mowliid ayaa yiri, “Waxaan xaqiijineynaa in ehelladii wiilka aysan maxkamadda soo gelin oo banaanka lagu celiyey, waa ka xunahay taas, marqaatiyashii maxkamadda la keenay ma aheyn kuwo munaasab ah, cadaaladda iyo dowladnimada aad ayaan u rabnaa, dadka ay ka dhalatay gabadha geeriyootay waa walaalaheen, in kiiskaan waa la siyaasadeeyey.”

{DAAWO MUUQAALKA} Hogaanka sare ee xisbiga kulmiye ayaa munaasibad Soo dhawayn ah u sameeyay Qurba jooga Somaliland

Sabti 27 July 2024 {HMC} Hogaanka sare ee xisbiga kulmiye ayaa munaasibad Soo dhawayn ah u sameeyay Qurba jooga Somaliland HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA

{DAAWO MUUQAALKA}WAR DEG-DEG AH: Waxaa la shaaciyay Xildhibanada golaha Deegaanka ee sadexda degmo ee gobolka Nugaal.

Sabti 27 July 2024 {HMC} WAR DEG-DEG AH: Waxaa la shaaciyay Xildhibanada golaha Deegaanka ee sadexda degmo ee gobolka Nugaal. HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA

WARARKA