Saturday, July 27, 2024
spot_imgspot_img

Somalia oo shir muhiim ah ugu qayb galayso dalka qatar

Talaado-Feb-27-2024-{HMC} Wasiirka Wasaaradda Caafimaadka iyo daryeelka bulshada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Dr. Cali Xaaji Aadam ayaa Dalka Qatar ee magaalada Dooxa uga qeybgalay shirka Golaha Bariga dhexe ee Tayada iyo badqabka Daryeelka Caafimaadka (Middle East Forum on Quality and safety in Health care).

Shirkani ayaa ahmiyad gaar ah siinayey sidii loo horumarin lahaa Tayada iyo badqabka daryeelka Caafimaadka si kor loogu qaado daryeelka bulshooyinka dalalka qeybta ah madashan baaxadda leh, inta uu shirkan socday ayaa Wasiirka Wasaaradda Caafimaadka iyo daryeelka bulshada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya waxaa uu kulan doceedyo kala duwan la yeeshey Wasiirada dhiggiisa ah ee dalalka aan saaxiibada nahay.

Wasiirka Wasaaradda Caafimaadka iyo daryeelka bulshada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya waxa u kulan mira dhal ah la yeeshay dhiggiisa Dalka aynu walaalaha nahay ee Qatar Dr. Hanan Mohammed Al-kuwari, labada Dowladood ayaa dib u eegis ku sameeyey heshiiska horumarinta iyo dib u dhiska Caafimaadka dalkeena Soomaaliya oo baahi weyn u qaba ballaarin iyo horumarin dhanka tayada Caafimaadka ah.

Wasaaradda Caafimaadka iyo daryeelka Bulshada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya waxaa ka go’an wax ka qabashada baahiyaha Caafimaad ee ka jira Dalka iyo sidii lagu horumarin lahaa Caafimaadka Soomaaliya si loo gaaro yoolka horumarinta Caafimaadka Qaranka.

{DHAGEYSO} Warka Habeenimo ee Warbaahinta Hiiraanweyn {26.07.2024}

Jimco 26 July 2024 {HMC} Dhageystayaal halkan waxa aan idiin kugu soo gudbi neynaa Warka habeenimo ee Warbaahinta Hiiraanweyn Warka waxaa soo jeedinayo ::Abdirahman Maclin...

{DAAWO MUUQAALKA} Madaxweyne Dabageed oo Hal Arin ka Dalbaday dadka ku Nool Degmada Moqokori.

Jimco  26 July 2024 {HMC}  Madaxweyne Dabageed oo Hal Arin ka Dalbaday dadka ku Nool Degmada Moqokori. HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA…

WARARKA