Saturday, July 27, 2024
spot_imgspot_img

Taliska Ciiddanka xoogga iyo kuwa ATMIS oo kawada hadlay arimo xasaasi ah

Talaado-Feb-27-2024-{HMC} Taliyaha ciiddanka xoogga dalka Soomaaliya Sareeya Gaas Ibraahim Sheekh Muxudiin iyo saraakiil katirsan ATMIS ayaa kulan looga hadlayay dagaalka ka dhan ah AS ku yeeshay amagaalada Muqdisho.

Kulankan dhax maray saraakiisha labada ciidan ayaa looga wada hadlay sidii loo sii xoojin lahaa wada shaqeynta ciiddanka ATMIS iyo ciiddanka xoogga dalka Soomaaliyeed, si looga adkaado kooxaha dagaalka kula jira.

Taliyaha ciidanka xoogga dalka ayaa u sheegay saraakiisha ATMIS in uu dib u bilaabanayo howlgallada ka dhanka ah kooxda AS , waxa uuna uga baaqay saraakiisha ATMIS in ay ciidamada taageero ku siiyaan dagaalka.

Ciidamada nabbad ilaalinta u jooga Soomaaliya ee ATMIS ayaan wax door ah ku laheyd howlgallada dalka ka socday labadii sanno ee lasoo dhaafay, howlgalladaasi ayaana ciidanka xoogga guulo wa aweyn ku gaareen ugana saareen AS dhul badan.

 

{DHAGEYSO} Warka Habeenimo ee Warbaahinta Hiiraanweyn {26.07.2024}

Jimco 26 July 2024 {HMC} Dhageystayaal halkan waxa aan idiin kugu soo gudbi neynaa Warka habeenimo ee Warbaahinta Hiiraanweyn Warka waxaa soo jeedinayo ::Abdirahman Maclin...

{DAAWO MUUQAALKA} Madaxweyne Dabageed oo Hal Arin ka Dalbaday dadka ku Nool Degmada Moqokori.

Jimco  26 July 2024 {HMC}  Madaxweyne Dabageed oo Hal Arin ka Dalbaday dadka ku Nool Degmada Moqokori. HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA…

WARARKA