Saturday, July 27, 2024
spot_imgspot_img

Taliyihii saldhigga Degmada Hiliwaa oo xabsiga ladhigay kadib Markii lagu soo eedeeyey Dil iyo Afduub kadhacay muqdisho

Talaado-Feb-27-2024-{HMC}  Ciidanka booliiska Soomaaliya ayaa xabsiga dhigay taliyihii saldhigga booliiska degmada Hiliwaa iyo askar kale, kuwaa oo lagu tuhmayo in ay ku lug lahaayeen dil iyo afduub habeenno kahor ka dhacay magaalada Muqdisho.

Kiiska dilka iyo afduubka loo geestay ganacsade Abuukar Gaabax oo dhacay 22 Bishan Febraayo ayaa lugaha la galay saraakiil ciidan iyo askar , kaddib baaritaanno ay sameeyeen ciidanka dambi baarista booliiska Soomaaliya.

Warar soo baxaya ayaa sheegaya in taliyaha saldhiga Booliska degmada Huriwaa uu u xiran yahay falkaan oo lagu tuhmayo inuu ku lug leeyahay uuna soo maleegay naftiisa shirqoolka, waxaana taliyaha lagu soo xiray caddeymo ay bixiyeen rag kiiskan loo xiray.

Camerooyin CCTV oo ay leeyihiin hey’addaha amniga ayaa laga arkay dhaq dhaqaaqii kooxdii afduubka geysatay oo isticmaalayay gaariga marxuumka iyo gaariga kooxda shirqoolka soo maleegtay oo isaga kala gooshay illaa shan degmo oo ugu dambeyn halkii laga helay meydka Marxuumka oo ahaa deegaanka Garasbaaley.

Falkan dilka ah ayaa sidoo kale la tuhmayaa in uu ka dhashay dad ganacsi waddaag ahaayeen marxuunka la dilay, kuwaa oo khilaaf soo kala dhax galay,ragga dilka geestay ayaa la sheegay in markii hore qorshaha ahaa in lacago akoonkiisa ku jira ka qaataan, balse markii ay suurto galiwaysay ayey ganacsadaha dileen.

Taliyaha iyo dadka kale ee u xiran kiiska dilka ayaa waxaa ku socda baaritaanno dheeraad ah, waxaana la filayaa in maxkamad la horkeeno dadka lagu tuhmayo in ay ku lug leeyihiin kiiska afduubka ka bilowday kuna dhammaaday dilka.

{DAAWO MUUQAALKA} Hogaanka sare ee xisbiga kulmiye ayaa munaasibad Soo dhawayn ah u sameeyay Qurba jooga Somaliland

Sabti 27 July 2024 {HMC} Hogaanka sare ee xisbiga kulmiye ayaa munaasibad Soo dhawayn ah u sameeyay Qurba jooga Somaliland HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA

{DAAWO MUUQAALKA}WAR DEG-DEG AH: Waxaa la shaaciyay Xildhibanada golaha Deegaanka ee sadexda degmo ee gobolka Nugaal.

Sabti 27 July 2024 {HMC} WAR DEG-DEG AH: Waxaa la shaaciyay Xildhibanada golaha Deegaanka ee sadexda degmo ee gobolka Nugaal. HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA

WARARKA