Saturday, July 27, 2024
spot_imgspot_img

Xukun adag oo lagu diray 3 kamid ah 4 wiil oo loo heysto dilka Macalin Dugsi iyo Dhakhtar

Talaado-Feb-27-2024-{HMC} Maxkamadda gobolka Galgaduud ayaa xukun ka soo saartay eedeyn loo heystay afar nin oo loo heystay dilka labo wiil oo walaalo ahaa, dilkaas ayaa ka dhacay deegaan bari ka xiga degmada Guriceel ee gobolka Galgaduud.

Seddax ka mid ah raggaas ayaa lagu helay dembiga ah in goor habeen ah iyagoo jiifa ay dileen Macalin Liibaan Xasan Cismaan iyo Dr. Axmed Xasan Cismaan oo ahaa labo wiil oo walaalo ah, kuwaas oo booqasho ugu tegay hooyadood.

Ragga maanta la xukumay ayaa markii ay dilka geysteen isaga cararay goobta, waxayna isku dayeen inay Xamar u baxsadaan, balse ciidamada NISA ayaa ku qabtay magaalada Cadale ee gobolka Shabeellada Dhexe.

Dacwadda loo heysto raggaas oo maalmihii lasoo dhaafay uu dhageysigeedu ka socday maxkamadda gobolka Galgaduud ayaa ugu dambeyn maanta xukun adag laga soo saaray.

Guddoomiyaha Maxkamadda Gobolka Galgaduud Cismaan Cali oo ku dhawaaqay xukunka maxkamadda ayaa dil toogasho ah ku xukumay saddex ka mid ah raggii loo heystay dilka labada wiil ee walaalaha ahaa, waxayna maxkamaddu fasaxday midkii 4-aad.

Cabdi Maxamed Xaashi, Shuceyb Maxamed Faarax iyo Bile Cabdullaahi Xasan ayaa lagu xukumay dil toogasho ah, waxaana la fasaxay oo xabsiga laga sii daayey markii dembi lagu waayey Farxaan Axmed Iimaan oo ahaa ninka 4-aad, sida uu maanta ku dhawaaqay Guddoomiyaha Maxkamadda Cismaan Cali Hudey.

Wiilka dembiga lagu waayey ee maxkamaddu sii deysay ayaa maalin ka hor maxkamadda ka hor sheegay in ragga wax dilay uu uga haray meel u dhow guriga wiilasha lagu dilay, iyagana waxay qireen inuu ka haray.

“Saaxiibadey waan cesha waayey, markaan arkay inay macalinkeygii soo dilayaan waan ka haray, waa iga tageen wax yar kadibna waxaa dhacay xabadaha, waa igu soo laabteen, kadibna waan cararnay, maadaama raadkeyga uu la socday oo la arkayo, Xamar ayaan u soconay, laakiin Cadale ayaa nagula qabtay,” ayuu yiri Farxaan Axmed Iimaan.

{DHAGEYSO} Warka Habeenimo ee Warbaahinta Hiiraanweyn {26.07.2024}

Jimco 26 July 2024 {HMC} Dhageystayaal halkan waxa aan idiin kugu soo gudbi neynaa Warka habeenimo ee Warbaahinta Hiiraanweyn Warka waxaa soo jeedinayo ::Abdirahman Maclin...

{DAAWO MUUQAALKA} Madaxweyne Dabageed oo Hal Arin ka Dalbaday dadka ku Nool Degmada Moqokori.

Jimco  26 July 2024 {HMC}  Madaxweyne Dabageed oo Hal Arin ka Dalbaday dadka ku Nool Degmada Moqokori. HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA…

WARARKA