Saturday, July 27, 2024
spot_imgspot_img

Booliiska Soomaaliya oo gacanta ku dhigay lamaane caan ka ah Baraha Bulshada

Arbaco-Feb-28-2024-{HMC}  Ciidamada Booliska Soomaaliya ayaa xiray Cabaas iyo Faiaza oo ka mid ahaa dhalirada caanka ka baraha bulshada, waxaana maanta loo gudbiyay Taliska Booliska ee degmada Hodan.

 

Lamaanahan ayaa caan ka ah Barta Tiktok, waxaana ku xiran dad kor u dhaafaya hal Milyan, Waxayna beryahan dambe la kulmeen dhaleecayn badan oo ku saabsan muuqaallada ay duubayaan, kuwaas oo la sheega in ay ka hor imanayaan Qiyimka bulshada.

 

Waxaa lagu eedeeyay in muuqaalo anshax xumo ah ay jilaan ka dibna baraha bulshada ku baahiyaan, iyaga oo dhawaan soo dhigay muuqaal ay dhaleeceeyeen dadka ka faalooday.

 

Waxaa la filayaa in Cabbaas iyo Faiza dhawaan la horkeeni doono maxkamada go’aankeeda kasoo saari doonta, waxaana ay xabsiga ku sii jiri doonaan ilaa iyo waqtigaas.

 

Booliska ayaa horey u xiray dad sidoo kale baraha bulshada soo dhigay muuqaalo anshax xumo ah, xilli la dhaliilayo saameynta aaladaha cusub ee baraha bulshada ay ku yeesheen dhaqanka iyo diinta Bulshada.

{DAAWO MUUQAALKA} Hogaanka sare ee xisbiga kulmiye ayaa munaasibad Soo dhawayn ah u sameeyay Qurba jooga Somaliland

Sabti 27 July 2024 {HMC} Hogaanka sare ee xisbiga kulmiye ayaa munaasibad Soo dhawayn ah u sameeyay Qurba jooga Somaliland HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA

{DAAWO MUUQAALKA}WAR DEG-DEG AH: Waxaa la shaaciyay Xildhibanada golaha Deegaanka ee sadexda degmo ee gobolka Nugaal.

Sabti 27 July 2024 {HMC} WAR DEG-DEG AH: Waxaa la shaaciyay Xildhibanada golaha Deegaanka ee sadexda degmo ee gobolka Nugaal. HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA

WARARKA