Saturday, July 27, 2024
spot_imgspot_img

Booliska Soomaaliya oo soo qabtay 4 dhalinyaro ah oo Dil u geysatay Askari Ciidamada Dowladda

Arbaco-Feb-28-2024-{HMC}  Ciidamada Booliska Soomaaliya ayaa gacanta ku dhigay shabakad ka koobneyd 4 dhalinyaro ah oo dilay Marxuum Xasan Cabdiqaadir Ibraahim oo ka tirsanaa Ciidamka Xoogga Dalka.

Ciidamada Booliska Soomaaliya oo dabagal ku sameeyay falkan waxa ay gacanta ku dhigeen Shabakaddaan iyaga oo sida Labo Bastoolad oo lagu dilay marxuumka.

Qoraal ka soo baxay Booliiiska Soomaaliya ayaa lagu sheegay in Caddeymahan gacanta lagu haayo isla markaanalala wadaagi doono maxkamadda markii la horgeeyo.

Falkaan ayaa ka dhacay deegaanka Garasbaaley, waxaana iska kaashaday soo qabashada afarta qof ciidamada Nabad Suggida, Booliska Militariga iyo Booliska Soomaaliya.

Falalkan noocaan ayaa ku soo badanaya Nawaaxiga magaalada Muqdisho, oo looga cabanaaayo amni xumo xilli ay kooxda AS si joogta ah uga fuliso weeraro lagu beegsanayo goobaha ay ku sugan yihiin Ciidamada.

{DHAGEYSO} Warka Habeenimo ee Warbaahinta Hiiraanweyn {26.07.2024}

Jimco 26 July 2024 {HMC} Dhageystayaal halkan waxa aan idiin kugu soo gudbi neynaa Warka habeenimo ee Warbaahinta Hiiraanweyn Warka waxaa soo jeedinayo ::Abdirahman Maclin...

{DAAWO MUUQAALKA} Madaxweyne Dabageed oo Hal Arin ka Dalbaday dadka ku Nool Degmada Moqokori.

Jimco  26 July 2024 {HMC}  Madaxweyne Dabageed oo Hal Arin ka Dalbaday dadka ku Nool Degmada Moqokori. HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA…

WARARKA