Arbaco-Feb-28-2024-{HMC} Wararka ka imaanayo Degmada Maxaas ee Gobolka Hiiraan Deegaan hoos-yimaado ayaa waxaa ay sheegayaan in xalay lagu dilay dad shacab ah halka kuwa kalena uu dhawac kasoo gaaray.
Ciidamo ka tirsan Kuwa Dowlada Soomaaliya Gaar ahaan kuwa Gorgor oo xeryahooda kasoo goostay Gobolka Galgaduud ku yaalla, ayaa xalay labo qof oo shacab ah waxaa ay ku dileeyn Wadada isku xirta Maxaas iyo Moqokori Sidoo kale waxaa ay dhaawaceyn Dad shacab ah.
Dadka la dilay ayaa lagu kala Magacaaba Allaha unaxariistee Maxamed Maxamuud Xasan iyo Carabow Cabdulle, Intaasi kadib Ciidamada dhibaatadan geeystay ayaa waxaa lagu qabtay Magaalada Moqokori ee Gobolka Hiiraan.
Ciidamada Dowlada iyo kuwa Deegaanka oo lagu soo wargaliyay in Ciidamada dadka dilay ay marayaan Degmada Moqokori ayaa ku guuleeystay in ay gacanta ku dhigaan labo gaari oo ay saarnaayeen Ciidamadan oo lagu qiyaasay Tiradooda 10 Askari.
Ehelada dadka la dilay iyo Ciidamada kuwa Deegaanka ah ayaa manta Buux dhaafiyay Degmada Moqokori ee Gobolka Hiiraan, waxaana Manta Halkaasi ka jirto xiisad Culus sida ay dadka deegaanka Warbaahinta Hiiraanweyn usheegeyn.