Saturday, July 27, 2024
spot_imgspot_img

Itoobiya oo heshiis iskaashiga dhinaca difaaca ah la saxiixatay dalka Uganda.

Arbaco,, 28-02- 2024 (HMC) – Dowladaha Itoobiya iyo Uganda ayaa wada galay heshiis is afgarad ah oo looga gol leeyahay in sare loogu qaado iskaashiga dhinaca milatari ee u dhexeeya labada dal, sida uu sheegay madaxa ciidanka difaaca Itoobiya (ENDF).

Heshiiskan ayaa daba socda booqasho wafdi ka socda ciidamada Uganda ay dhawaan ku tageen magaalada Addis_Abeba oo ay kulamo la yeesheen saraakiisha difaaca Itoobiya.

Wafdiga booqday ayaa ka koobnaa Wasiirka Difaaca Uganda, Vincent Bamulangaki Ssempijja, iyo Taliyaha Ciidamada Difaaca Uganda, General Wilson Mbasu Mbadi. Waxaana halkaas ku qaabilay Wasiirka Difaaca Itoobiya Abraham Belay iyo Ku-xigeenka Taliyaha Ciidanka Itoobiya, General Abebaw Taddese.

Wasiirrada gaashaandhigga ayaa si rasmi ah u ansixiyay heshiiska is afgaradka ah, halka taliyayaasha ciidamada labada dal ay ayideen qorshaha lagu dhaqan gelinayo heshiiska dhinacyada iskaashiga milatariga.

Wasiir Abraham waxa uu sheegay in heshiisku uu sii xoojin doono xidhiidhka labada dal. Dhigiisa Uganda, Wasiir Ssempijja, ayaa muujiyay sida ay Uganda uga go’an tahay fulinta qodobbada lagu heshiiyay.

Iskaashiga militari ayaa yimi, maalmo kaddib markii Soomaaliya ay heshiis dhanka difaaca ah la saxiixatay dalka Turkiga, heshiiskaas oo qeexaya in Turkigu muddo 10 sano ah uu ilaaliyo xeebaha Soomaaliya, si uu uga hortago wax kaste oo khatar ku ah biyaha Soomaaliya.

{DAAWO MUUQAALKA} Hogaanka sare ee xisbiga kulmiye ayaa munaasibad Soo dhawayn ah u sameeyay Qurba jooga Somaliland

Sabti 27 July 2024 {HMC} Hogaanka sare ee xisbiga kulmiye ayaa munaasibad Soo dhawayn ah u sameeyay Qurba jooga Somaliland HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA

{DAAWO MUUQAALKA}WAR DEG-DEG AH: Waxaa la shaaciyay Xildhibanada golaha Deegaanka ee sadexda degmo ee gobolka Nugaal.

Sabti 27 July 2024 {HMC} WAR DEG-DEG AH: Waxaa la shaaciyay Xildhibanada golaha Deegaanka ee sadexda degmo ee gobolka Nugaal. HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA

WARARKA