Saturday, July 27, 2024
spot_imgspot_img

Madaxweynaha Soomaliya oo Shaaciyey inuu Abiy Ahmed soo wacay kahor Heshiiska badda ee uu lagalay Somaliland

Arbaco-Feb-28-2024-{HMC} Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa sheegay in ra’iisul wasaaraha Itoobiya Abiy Axmed uu lasoo hadlay habeen kahor heshiiskii is-afgarad ee Addis Ababa.

Xilligaasi oo uu wanaagsana xiriirka labada hoggaamiye ayaa waxa uu Xasan sheegay in Abiy uu keliya markaas ku wargeliyay in madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi uu tegayo caasimada Itoobiya ee Addis Ababa.

Abiy markaasi uma sheegin madaxweyne Xasan qorshaha guracan ee uu ugu yeeray Muuse Biixi, oo isagu Addis Ababa si hordhac ah ugu saxiixay qeybo kamid ah biyaha Soomaaliya, taasi oo si adag uga hortimid dowladda federaalka Soomaaliya.

Madaxweyne Xasan ayaa sidoo kale arrin waali ah ku tilmaamay in Itoobiya ay weli ku adkaysato inay sii wado heshiiska sharci darrada ah ee ay ku doonayso qeybo kamid ah baddeena, isagoo sheegay in ay iska difaacayaan xad-gudubka Itoobiya.

“Soomaaliya waxay xaq u leedahay in ay iska difaacdo Itoobiya, si kasta oo ay awoodo,” ayuu yiri madaxweyne Xasan Sheekh oo dhowr jeer ku goodiyay in ay dagaal toos ah la geli doonto Itoobiya haddii ay isku deydo inay dhaqan-geliso damaceeda gurracan.

Xiisadda Soomaaliya iyo Itoobiya ayaa gaartay meel sarre, ayada oo xilligaan ay khubarrada amniga ka digayaan inay gobolka gelin karto fowdo horleh, xilli ay xiisadda soo fara-geliyeen dalal kale oo la saftay dowladda Soomaaliya.

Dowladda Soomaaliya ee uu hadda hoggaamiyo madaxweyne Xasan ayaa dhawaan heshiis la gashay Turkiga, kaasi oo ku qotoma difaaca badda, islamarkaana socon doona muddo toban sano.

Muddadaasi ayey sidoo kale Ankara u dhisi doonta Soomaaliya ciidan badeed awood badan, oo ku filnaada difaaca baddeenna, ayada oo ka horna ay ammaanka badda Soomaaliya la wareegi doonaan ciidamada Turkiga.

Inkasta oo madaxda Soomaaliya ay sheegeen in heshiiska Turkiga uu muddo soo socday uuna ka horreeyay xiisadda kala dhaxeysa Itoobiya, haddana waxaa la rumeysan yahay in ay soo dadajisay tallaabada ay qaaday Addis Ababa ee ku hunguriyayneyso qeybo kamid ah badda Soomaaliya, taasi oo ay ganafka ku dhufatay Muqdisho.

{DHAGEYSO} Warka Habeenimo ee Warbaahinta Hiiraanweyn {26.07.2024}

Jimco 26 July 2024 {HMC} Dhageystayaal halkan waxa aan idiin kugu soo gudbi neynaa Warka habeenimo ee Warbaahinta Hiiraanweyn Warka waxaa soo jeedinayo ::Abdirahman Maclin...

{DAAWO MUUQAALKA} Madaxweyne Dabageed oo Hal Arin ka Dalbaday dadka ku Nool Degmada Moqokori.

Jimco  26 July 2024 {HMC}  Madaxweyne Dabageed oo Hal Arin ka Dalbaday dadka ku Nool Degmada Moqokori. HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA…

WARARKA