Saturday, July 27, 2024
spot_imgspot_img

Maxey tahay Falcelinta Kadhalatay khilaafka siyaasiga Caanka Ah ee Ca’i yare Cali iyo Daahir Calasow.

Arbaco-Feb-28-2024-{HMC} Siyaasiga caanka ah ee Cali Yare Cali iyo Daahir Calasow oo aad u isticmaala baraha bulshada ayay maanta ka dhex tafatay iyaga oo isku qabtay arrimo la xiriira kiiska xasaasiga ah ee ninka gubay Luul Cabdicasiis Maxamed.

Labada nin ayaa si weyn ugu kala aragti duwanaaday kiiskan oo hadda go’aankiisa laga sugayo maxkamadda gobolka oo dhageysatay eeddda Sayid Cali Macallin Daa’uud.

Guddoomiye ku xigeenkii hore ee gobolka Banaadir, Cali Yarey oo si weyn uga horyimid shir jaraa’id oo ay odayaasha beesha Saleebaan ku qabteen magaalada Cadaado, iyaga oo ka cabanayo sida ay maxkamadda gobolka Banaadir u wajahday maxkamadeynta Sayid Cali.“Garanmaayo gunnimo ka weeyn in intaan oo garcadayaal ah la-gole yimaadeen gar ka dhan ah gabar ay qabeen, caloosha ubadkooda ku siday oo wiilkoodu dab iyo baasiin qabadsiiyay” ayuu qoraal kiisa ku yiri Cali Cali.

Sidoo kale wuxuu kusii daray “Miyaan tani aheeyn geeri labaad iyo gunnimo gurigeed? Waxagaradka tolkeeyoow arrintaan yaanay in guurkeenna laga cararo oo gabayo naloo tiriyo horseedin ee warkaan kadaba taga inta goori goortahay”.

Cali Jeeb ku jire maxaa ka qaaday damiirka. Xifaaltanka naga dhaxeeya dhalinyaro u dhashay Reer Xaaji Saleebaan miyaad ugu geftay odayaasha Reer Xaaji Saleebaan ee wiilkooda cabtooyda loo Soo kireestay u dooday xaqiisa” ayuu isna yiri Daahir Calasow.

Waxaa kale oo uu sii raaciyay “Anaggaa Sayid Cali ka qabanay caloosha Habargidir, hadana waxaa cad inuu yahay nin Maseeyray, Xaaskiisuna ay Bajaaj raacday oo dayac u dhimatay”.
Dhinaca kale falcelin xoogan iyo hadal hayn ayaa ka dhalatay dagaalka ka dhex-qarxay Cali Yare iyo Daahir Calasow, waxaana ka falceliyay dad badan oo Soomaaliyeed.

Cabdinaadir Cabdulqaadir “Adiga iyo Cali seem baa noo tihiin Juhalayahay. Kiiskana waan ku qanacsanahay in cadaaladda la mariyay.”

Cabdullaahi Buubshe “Kiiska arxan-laawaha raggaa go’aan ka gaara maahane adiga oo kale lagaa waraysan mayo.”“Hadal waxba tari maayo Maxkamadda ay u taal shaqada,” ayuu yiri Maxamed Amiin Sheekh.

Ashkir Maxamed “Horta wiilka ma dhibanaa mise waa eedeysane adduun wax aan la arkeen ma lahan?.”

Cabdulqaadir Beezaani “Cadaaladdda aya ah in tiirka la geeyo waayo qof cunigiisa iyo xaaskiisa gubay cid uu nu axarasinayo ma jirto.”
Dhankiisa Daahir Calow oo usoo jawaabay ayaa weerar culus ku qaaday Cali Yare Cali, isaga oo tilmaamay inuu u gefay odayaasha dhaqanka ee Beesha Saleebaan

{DAAWO MUUQAALKA} Hogaanka sare ee xisbiga kulmiye ayaa munaasibad Soo dhawayn ah u sameeyay Qurba jooga Somaliland

Sabti 27 July 2024 {HMC} Hogaanka sare ee xisbiga kulmiye ayaa munaasibad Soo dhawayn ah u sameeyay Qurba jooga Somaliland HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA

{DAAWO MUUQAALKA}WAR DEG-DEG AH: Waxaa la shaaciyay Xildhibanada golaha Deegaanka ee sadexda degmo ee gobolka Nugaal.

Sabti 27 July 2024 {HMC} WAR DEG-DEG AH: Waxaa la shaaciyay Xildhibanada golaha Deegaanka ee sadexda degmo ee gobolka Nugaal. HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA

WARARKA