Saturday, July 27, 2024
spot_imgspot_img

Ra’iisul Wasaare ku-xigeenka dalka oo shir muhiim ah kaga qayb galay Washington DC

Arbaco-Feb-28-2024-{HMC} Ra’iisul Wasaare ku-xigeenka Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane, Saalax Axmed Jaamac ayaa magaalada Washington DC ee dalka Maraykanka kaga qayb galay Madasha xaaladaha nuglaanta ee 2024-ka, taas oo uu soo qaban-qaabiyay Bangiga Adduunka.

Shirkan ayaa intuu uu socday waxaa lagu falanqeynayaa caqabadaha nuglaanta, xaaladaha ay ismaandhaafyada iyo colaaduhu keenaan iyo sida ugu habboon ee looga bixi karo colaadaha iyo xaaladaha ka dhasha.

Ra’iisul Wasaare ku-xigeenka Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane, Saalax Axmed Jaamac ayaa Madasha la wadaagay waayo-aragnimada Soomaaliya ee ku aaddan sida dalalku uga gudbi karaan heerka nuglaanta una gaadhi karaan adkeysi iyo horumar waara.

Soomaaliya ayaa muddo sannado badan waxaa ka jiray colaado sukeeye oo reebay dhibaatooyin badan, waxa ayna hadda Soomaaliya kasii baxeysaa colaadihii muddada ka jiray , iyadoona dalka uu ka dhacay isbadal amni iyo mid horumar.

 

{DHAGEYSO} Warka Habeenimo ee Warbaahinta Hiiraanweyn {26.07.2024}

Jimco 26 July 2024 {HMC} Dhageystayaal halkan waxa aan idiin kugu soo gudbi neynaa Warka habeenimo ee Warbaahinta Hiiraanweyn Warka waxaa soo jeedinayo ::Abdirahman Maclin...

{DAAWO MUUQAALKA} Madaxweyne Dabageed oo Hal Arin ka Dalbaday dadka ku Nool Degmada Moqokori.

Jimco  26 July 2024 {HMC}  Madaxweyne Dabageed oo Hal Arin ka Dalbaday dadka ku Nool Degmada Moqokori. HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA…

WARARKA