Saturday, July 27, 2024
spot_imgspot_img

Howlgal ka dhan ah AS oo ka bilaabay Gedo iyo Masuuliyiin Gaaray

Arbaco-Feb-28-2024-{HMC} Wafdi ka socda dowlad goboleedka Jubbaland ayaa maanta gaaray degmada Ceelwaaq ee gobolka Gedo, halkaas oo laga dareemayo dhaq-dhaaqyo ciidan oo ay wadaan kooxda AS ee ku sugan Gedo.

Wafdigan ayaa waxaa horkacayay wasiirka amniga Jubbaland Sarreeya Yuusuf Xuseen Cismaan (Dhuumaal) oo uu wehliyo wasiru dowlaha wasaaradda amniga Maxamed Cabdi Kaliil, waxaana halkaas kusoo dhaweeyay taliyaha ciidanka Daraawiishta Gedo iyo mas’uuliyiinta maamula degmada Ceelwaaq.

Ujeedka safarka mas’uuliyiintan ayaa ah mid loogu guur galaya ammaanka iyo sidoo kale qalabeynta ciidamo cusub oo loo diyaariyay inay ka hortegaan weerarada AS.

Wasiir Dhuumaal oo khudbad u jeediyay ciidamadaas oo la qalabeeyay ayaa sheegay in haatan wixii ka dambeeya ay kamid yihiin Daraawiishta Jubbaland.

“Saacaddan laga bilaabo waxaa tihiin ciidan kamid ah Jubbaland oo Daraawiish ah xuquudiina mushaar ama raashin waxaad ku leedihiin dowlad goboleedka” ayuu yiri.

Sidoo kale wuxuu sii raaciyay “Annaga waxaa rabno kaliya waxaa waayay inaan aragno wiil Soomaaliyeed oo dalkiisa difaacanayo, wiil Soomaaliyeed oo deegaankiisa difaacanayo”.

Dhinaca kale wasiirka ayaa soo hadal qaaday cabsida laga qabo in AS ay dib u qabsato Ceelwaaq marka ay baxaan ciidanka Kenya ee qaybta ka ah ATMIS, wuxuuna sheegay in ay doonayaan in qorshahaas ay ku dhaqaaqaan, balse iyagu ay ka hortegayaan.

“War Khawaarijtaas meesha taag taagan oo leh hadda marka ay ciidamada Kenya baxaan Ceelwaaq ayaan qabsaneynaa ku hayo war miyaan u ogolnay inay qabsadaan?” ayuu yiri.

Deegaanada Jubbaland ayaa kamid ah meelaha ay sida weyn ugu xoogan tahay kooxda, waxayna badanaa ka fulisaa weeraro ay ku qaado fariisimaha ciidamada huwanta ah.

Dhowaan ayaa la filayaa in gobollada Jubbooyinka iyo Gedo uu ka billowdo wajiga labaad ee dagaalka AS, kaas oo ay hoggaamineyso dowladda federaalka Soomaaliya.

{DHAGEYSO} Warka Habeenimo ee Warbaahinta Hiiraanweyn {26.07.2024}

Jimco 26 July 2024 {HMC} Dhageystayaal halkan waxa aan idiin kugu soo gudbi neynaa Warka habeenimo ee Warbaahinta Hiiraanweyn Warka waxaa soo jeedinayo ::Abdirahman Maclin...

{DAAWO MUUQAALKA} Madaxweyne Dabageed oo Hal Arin ka Dalbaday dadka ku Nool Degmada Moqokori.

Jimco  26 July 2024 {HMC}  Madaxweyne Dabageed oo Hal Arin ka Dalbaday dadka ku Nool Degmada Moqokori. HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA…

WARARKA