Saturday, July 27, 2024
spot_imgspot_img

{DAAWO SAWIRADA}Masuul kasoo Goostay Soomaaliland oo gaaray Magaalada Muqdisho

Khamiis – Feb-29-2024-{HMC} Magaalada Muqdisho waxaa soo gaaray laguna soo dhaweeyay nin siyaasi ah oo kasoo jeeda deegaannada maamulka Somaliland, kaddib markii uu siyaasigaasi uu kasoo tagay shaqadii uu ka hayay maamulkii uu katirsanaa.

Cabdiwaaxid Cabdulqaadir Cabdiraxmaan oo horey xilal kala duwan uga soo qabtay maamulka Somaliland , haddana kamid ahaa lataliyaasha madaxweynaha maamulka Somaliland ayaa usoo goostay dowladda Soomaaliya.

Wasiirka arrimaha gudaha Soomaaliya Axmed Macalin Fiqi iyo masuuliyiin kale ayaa kulan soo dhaweyn ah magaalada Muqdisho ugu sameeyay Cabdiwaaxid Cabdulqaadir Cabdiraxmaan oo kasoo tagay magaalada Hargeysa una soo wareegay Muqdisho.

”Sharaf bay Inoo aheyd in aan magaalada Muqdisho ku soo dhowayno Siyaasi Cabdiwaaxid Cabdulqaadir Cabdiraxmaan oo xilal kala duwan ka soo qabtey Maamulka Gobolada Waqooyi. Waxaan soo dhowaynaynaa Md. Cabdiwaaxid oo la taliye u ahaa madaxweyne Muuse Biixi isagana soo tagey xilkaas iyo gebi ahaan maamulkaas” ayuu yiri Fiqi.
Wasiirka arrimaha gudaha Soomaaliya ayaa sheegay in dowladda Federaalka ay boggaadineyso siaasiyiinta kasoo laabanay afikirka gooni-goosadka, isla markaana diyaarka u ah in ay Midnimada dalka iyo dadka ka shaqeeyaan

{DAAWO MUUQAALKA} Hogaanka sare ee xisbiga kulmiye ayaa munaasibad Soo dhawayn ah u sameeyay Qurba jooga Somaliland

Sabti 27 July 2024 {HMC} Hogaanka sare ee xisbiga kulmiye ayaa munaasibad Soo dhawayn ah u sameeyay Qurba jooga Somaliland HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA

{DAAWO MUUQAALKA}WAR DEG-DEG AH: Waxaa la shaaciyay Xildhibanada golaha Deegaanka ee sadexda degmo ee gobolka Nugaal.

Sabti 27 July 2024 {HMC} WAR DEG-DEG AH: Waxaa la shaaciyay Xildhibanada golaha Deegaanka ee sadexda degmo ee gobolka Nugaal. HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA

WARARKA